Qahira:May,15,2015(SDN/QJ)-Wariyihii Tv-ga Royal ee Xaruntiisu tahay Dalka Britain Cabdicasiis Al-caddaala, ayaa la sheegay in laga helay Xeebaha dalkaasi, kadib markii uu ku dhintay Shil ay gashay dooni uu doonayey inuu ku tahriibaa.
Cabdicasiis Al-caddaala, ayaa la sheegayaa in shilkaas ay sidoo kale kula dhinteen Laba qof oo kale, kuwaas uu dhashay waddanka Sudan.
Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xukuumadda dalka Masar ka codsatay in lagu soo wareejiyo meydka weriyaha geeriyooday si jaaliyada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool ay ku aas ugu sameeyaan.
Dhinaca kale laammaha ammaanka ee dalka Masar ayaa xabsiga ku taxaabay 120 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka tahriibaan dalka Masar, amaba ay ku lug lahaayeen Doontaas dhacday.
Sababta Uu U Geeriyooday Wariye Al-Cadaalada Ayaa Lagu Sheegay inay isagoo rabay Inuu Dooni ka raaco Xeebaha Dalka Masar, taas oo ku socotay dalalka Yurub,balse Uu Ka Dhacay Doonidii Taasina ay Sababtay Inuu Biyaha ku hafto Sidaasna ku naf-baxo.
Cabdicasiis Al-caddaala, ayaa kamid ahaa Wariyayaasha Soomaaliyeed oo firfircoonida ka muujiyey Shaqooyinkooda, kuwaas oo ku nool meelo ka baxsan dalkooda Hooyo.
SDN/QJ
