Muqdisho (QJ) – Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika (EACJ), iyagoo ka doodaya xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Baashe Yuusuf Axmed iyo ku andacoonaysa faragelin madax-bannaanida garsoorka.
Maxkamadda gobolka ayaa soo saartay ogeysiis Noofambar 18, 2026, iyadoo siisay dowladda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha Guud 45 maalmood si ay uga jawaabaan kiiska, oo loo diiwaan geliyay Tixraaca Lambarka 69 ee 2026.
Garsoorayaashu waxay maxkamadda ka codsanayaan inay baarto sharci ahaanshaha dacwadaha laga soo gudbiyay hoggaanka Maxkamadda Sare iyo saameynta ay ku leeyihiin madax-bannaanida garsoorka. Maxkamaddu waxay sii wadi kartaa kiiska haddii dowladdu ku guuldareysato inay soo gudbiso jawaabteeda waqtiga kama dambaysta ah.
Khilaafka ayaa billowday Noofambar 4, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Baashe Yuusuf Axmed oo uu u magacaabay Ibraahim Iidle Suleyman inuu beddelo. Madaxtooyadu waxay sheegtay in go’aanku uu ka dambeeyay cabashooyin ku saabsan maamulka iyo hufnaanta hawlaha garsoorka.
Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista ayaa timid maalin ka hor inta aan la fileyn in Maxkamadda Sare ay go’aan ka gaarto wax-ka-beddelka dastuurka iyo shuruudaha hay’adaha dowladda, taasoo keentay su’aalo ku saabsan waqtiga iyo sharci ahaanta go’aanka madaxweynaha.
5tii Nofeembar, Maxkamadda Sare waxay ku dhawaaqday in xilka ka qaadista Baashe ay sharci darro tahay, iyadoo sheegtay in Madaxweynuhu uusan lahayn awood uu ku eryo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo aan la raacin habraacyada dastuuriga ah ee loo baahan yahay.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay in wax-ka-beddelka dastuurka aan dib loogu dabaqi karin si loogu kordhiyo muddada hay’adaha hadda jira. Waxay sheegtay in muddada Madaxweynaha ay ku egtahay May 15, 2026, halka muddada labada aqal ee Baarlamaanka ay ku egtahay Abriil 14, 2026.
Maxkamadda ayaa ku baaqday in daneeyayaasha siyaasadda ay ku heshiiyaan geeddi-socod doorasho 30 maalmood gudahood waxayna amartay in doorashada la qabto 90 maalmood gudahood.
In kasta oo xukunka la gaaray, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sii waday inuu dhaariyo Ibraahim Idle Suleyman oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare 7dii Nofeembar, taasoo sii xoojinaysa muranka ka taagan cidda si sharci ah u hoggaamisa Maxkamadda Sare.
Khilaafkani wuxuu dhaliyay walaac ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, kala-soocidda awoodaha, iyo awoodda hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa iyaguna 12-kii Nofeembar walaac ka muujiyay xil ka qaadista Baashe, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo madax-bannaanida garsoorka. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen badbaadada garsoorayaasha, waxayna soo sheegeen in xaddidaado lagu sameeyay xorriyaddooda dhaqdhaqaaqa.
Wasaaradda Caddaaladda ee Soomaaliya ayaa difaacday mowqifka dowladda, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dib-u-habeynta garsoorka.
Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika, oo xarunteedu tahay Arusha, Tanzania, ayaa mas’uul ka ah fasiridda iyo hirgelinta heshiiska Bulshada Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa ku biirtay ururkan gobolka sannadkii 2024-kii.
Kiiska garsoorayaasha ayaa hadda khilaafka u wareejinaya heer maxkamadeed oo gobolka ah. Ogeysiiska 45-ka maalmood ah waa tallaabo nidaam-raac ah, mana aha in maxkamaddu ay xukun ka gaartay dowladda Soomaaliya.
Kiiskan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro awoodaha madaxweynaha, habraacyada sharciga ah ee magacaabista iyo xil ka qaadista hoggaamiyeyaasha garsoorka, iyo madax-bannaanida garsoorka. Awoodda maxkamaddu u leedahay inay dhageysato khilaafkan ayaa sidoo kale noqon doonta arrin sharci oo muhiim ah.
