“Maaha In Beesha Gabooye Lamidab Takooro Oo Layaso Waa In Xukunka Dalka Waxa Laga Siiyo Beesha Gabooye” Prof Samatar
Hargaysa 27.June (SDN) Aqoonyahanka Reer Somaliland Proffosor Axmed Ismaaciil samatar oo weli ku dhex jira kulamadiisii uu la yeelanayey qaybaha bulshada Somaliland ayaa maanta booqday xaafadda DAAMi ee ee magaalada Hargaysa, halkaana waxaa ku soo dhoweeyey salaadiinta, waxgaradka iyo dhamaan dadweynaha xaafadaasi. Munaasabad kooban oo loo qabtay Proffosor-ka ayaa Abwaanka caanka ah ee Baarleex waxa…
