“Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran” Ra’isal Wasaaraha Somalia {Sawiro}
Muqdisho, January 1, 2014 (SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah ee Al- Shabaab….
