Daraasad lagu Sameeyay Caqabadaha Diiwaangelinta & xilliga ku habboon in la qabto Iyo Talo Bixinta Shacabka Akhri
Hargaysa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Akademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa soo bandhigay daraasad laga sameeyey ray’iga dadweynaha oo la xidhiidha waxyaabaha laga bartay diiwaangelintii codbixiyaha ee dalka ka qabsoontay sannadihii 2008 iyo 2009. Xaflad lagu soo bandhigay daraasaddan oo ka dhacday hotelka Guleed ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay golayaasha Baaarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada],…
