“Tani waxay markhaati ma doon u tahay in aan ka soo horjeedo sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka muddaysan” Madaxweyne Siilaanyo iyo Khudbadii uu Shacabka Warbaahinta u Mariyey DAAWO

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacbiga u jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, Isagoo si gaar ah uga hadlay Xaalada abaareed ee dalka ka taagan Xeer uu u Gudbiyey Golaha Wakiiladda iyo Arrimaha la xidhiidha doorashooyinka horaanta 2017 la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Read More

“Jamaal Cali Xuseen waa musharaxa Rasmiga ah ee Xisbiga UCID,Faysaloow inaanu Wacadka Alle ku Qaban…” Mujaahid Cali Guray

“Faysal Inta Wanaagiisa Jecel Ee Lexejeclo Ka Qabta Waxay Ku Coloobeen ….. Waar In Aan Wacad Alleh Ku Qaban, Ha Ka Bixin Wacadkii Aad Gashay Xisbigaagana Ha U Loogin Xisbi Kale” Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiyaha ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa sheegay in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe…

Read More

Hay’ad Caalamiya Oo Sheegtay In Haweenay RRU-du kala baxeen Guri ku Yaalla Berbera Loo Heysto Inay Xidhiidh La Samaysay Maleeshiyo-beeleed Ku Eedeysan Dilka Taliyihii Booliska Saaxil

Nairobi, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Hay’adda Calaamiga ah ee u Doodda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa cambaraysey Xadhig Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saaxil kula kaceen 12-kii Bishan March Haweenay Magaceedu yahay Saado Jaamac Aadan, taasi oo Xilli habeennimo ah Ciidammada la dagaalanka Argagixisada ee RRU-du Gurigeeda kala baxeen.   Hay’addu waxay sheegtay in Haweenaydan Xadhiggeeda…

Read More

“Cabdiraxmaan Cirro Muu Oggalaan Diiwaan-gelinta La Hakiyey, Muuse Biixi iyo Faysal-na Wanjal Been Ah Ayey Ka Sameeyeen..” Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani DAAWO

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in guddoomiyaha xisbigaas Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu oggalaaday go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanjal been abuur ah ay ka sameeyeen guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid isla mar ahaantaana ay umadda u sheegeen…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C.raxmaan Saylici oo ka Waramay Tiro-koobka Qoysaska Halista Qarka U Saaran Abaaraha Gobollada Galbeedka Somaliland

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – “Waxyaabaha noogu daran ee aanu soo aragnay waxaa ka mid dadka soo guuray ee xooluhu ay ka baxeen oo ah sida reer magaalka hooyooyin caruurtoodu isku nuug tahay oo jilicsan oo duruufta haysataa ay adag tahay,” sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo…

Read More

Somaliland Oo Ka Hadashay Muwaadiniin  u Dhashay Turkiga  Oo Lagu  Dilay  Soomaaliya

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Koox hubeysan ayaa doraad galab laba qof oo Turki ah ku dilay magaaladda Muqdisho, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday  dadkan Turkiga ah  oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo dawladda Turkigu ka hirgelisay magaaladda Muqdisho ee  dalka  Soomaaliya ee qalalaasaha iyo colaaduhu ragaadiyeen. Sidoo kale falkan oo ay…

Read More

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Taageeray Hakinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Maayarka caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo dhaweeyay go’aankii dib loogu dhigay diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, si fursad loo siiyo dedaaladda loogu gurmanayo dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee gobollada dalka.   Maayarka Hargeysa  oo shalay u waramayay Telefishanka bulsho TV, ayaa waxa uu sheegay in dadkii la diwaan-gelin lahaa ay abaari hayso,…

Read More

Somaliland: Wasaaradda Degaanka Oo Qabatay Shixnad Kootarabaan Ah Oo Laga Soo Dejiyay Dekada Berbera

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda  Somaliland oo adeegsanaya ciidamada amnaanka ayaa gacanta ku soo dhigtay gaadhi nooca xamuulka qaada ah, kaasi oo siday bacaha isticmaalkooda dalka laga mamnuucay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo Digreeto wadanka kaga mamnuucay bishii April ee sannadkii hore. Kootarabaankan ayaa ka soo degay marsadda Berbera. Agaasimaha…

Read More

MW CMC Iyo Munaasabada Soo Dhawaynta Xubnaha Maamulka Cusub Ee Dib U curashada X.D.SH.S.I. Adhisababa

JigJiga, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I  mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa shalay galab kaqaybgalay munaasabad lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada X.D.SH.S.I uu umagacaabay fadhigiisa xarunta dalka ee Adhisababa. Munaasabadan oo ay ujeedadeedu ahayd mid lagu…

Read More

Agaasimahii Hore ee Cashuuraha Berriga Oo Sheegay in Is-bedel Fiican ay Gaadhay Wasaarada Maaliyadu Waqtigan

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Agaasimihii hore ee Cashuuraha Bariga Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in isbeddel fiican lagu sameeyey Wasaaradda Maaliyada, gaar ahaan dhinaca cashuuraha bariga iyo kastamada dalka. Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in nidaamka cashuuraha beriga iyo kastamada wax weyn laga beddelin markay xilka Wasiirka Maaliyada qabsatay Marwo Samsam Cabdi Aadan…

Read More