Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Heshiis Ay Dawladda Imaaraadku Saldhig Ciidan Kaga Dhisanayso Magaalada Berbera, Buqcadda Saldhiga Noqon Doonta Oo La Qorsheeyey Iyo Ganacsade Caan Ah Oo Qayb Dhulkiisa Ah Lacago Loogu Beddelo Doono
Dubai 02. October 2016 (SDN/QJ):- Warar cusub oo ku saabsan waftigii uu hoggaaminayey madaxweyne Siilaanyo eek u sugnaa dalka Imaaraadka carabta, ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku saabsan saxeexyo xaasaasi ah oo ay waftigu qalinka duugeen. Xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada waftigan ee soo gaadhaya wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo waftigiisu la kulmeen saraakiil…
