‘’1.7 milyan qof ayay saameysay abaartu, 47% shacabka ku nool Somaliland waxay u baahanyihiin gargaar degdeg ah’’ Somaliland oo Ku Dhawaaqday Xaalad abaareed & Heerka Kala Saraynta Gobolada DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Xukuumada Somaliland ayaa ku Dhawaaqday In xaalad abaareed ay ka tagaan tahay Deegano Tiro badan oo ka mid ah Gobolada Somaliland,Waxaana sidaa Maanta Cadeeyay Gudoomiyaha Hay’adda u Diyaar garowga Aafooyinka dabiiciga ah Iyo Kaydka Raashinka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh.

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dalbaday inuu Talaabo Ka Qaado Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu Ku eedeeyay Musuq Maasuq Iyo Dulucda Dacwad Xisbigoodu Ka Gudbiyey DAAWO

Boorama 30. January 2018 (SDN/QJ):-Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Magaaladda Boorama Saxaafada kula hadlay ayaa Mar kale ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu inay wadaan Musuq Maasuq baahsan. Waxa uu sheegay in Xisbiga Ucid ay u yimaadeen dhallinyaro kala duwan oo ka Cabanaysa Telefishanka Qaranka oo ay ka Shaqeeyaan,Waxaanu…

Read More

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Dhaliilay Guddida Loo Xil Saaray Wax Ka Qabashada Aafada Sixir-Barabarka Somaliland+ Fariin ah Waad na Ilowday Madaxweyne oo ay Direen!! DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Saraakiisha ugu saraysa xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa dhaliilay Guddida loo xilsaaray wax ka-qabashada Aafada Sixir-bararka waxaanay sheegeen masuuliyiintan xisbiga Ucid in aanay aqoon fiican u lahay arrimahan loo xilsaaray.

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka 2018 oo la Dhimayo Kharashka Dawladda & Meelaha Mudnaanta La Siinayo DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda maaliyada JSL Md Yuusuf Maxamed Cabdi oo ay wehelinayeen Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddu ayaa faahfaahin ka bixiyey meelaha ay xoogga saarayaan odooska miisaaniyada Qaranka ee sanadka 2018. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa waxa uu sheegay in hoos loo dhigi doono kharshiyaadki dawlada ee saamaynta weyn ku lahaan…

Read More

Taliska Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyey Tirada Tahriibayaal u Dhashay Itoobiya oo Maanta la qabtay Iyo Hawlgalo Ciidanku Ku Jiro DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa Sheegay in Tahriibayaashan la qabtay Maanta Sharciga la hor keeni doono isagoo intaas ku daray in Ciidanka Boolisku ay ku Jiraan Hawl-galo balaadhan oo ku wajahan la dagaalanka Tahriibayaasha.

Read More

Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Raali gelin Ka Bixiyey Hadal uu Todobaadkii Hore Yidhi+ Shirkii Beelaha Garxajis oo uu Dib u Dhigay & Siduu u arko Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Salaadiinta Somaliland ugu Baaqay inay ka qayb qaataan Sidii Loo soo Afjari lahaa Shaqaaqadii Laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex martay Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag. Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Maanta la hadlay Telefishanka HCTV ayaa Dhanka Kale Waxa uu Bulshada u soo Jeediyey inay Taageeraan Xukuumadda Somaliland.

Read More

Hogaamiyaha Mucaaridka Waddanka Kenya Raila Odinga oo Isu Dhaariyey inuu Yahay Madaxweynihii Shacabka Kenya,Ku Xigeenkiisii oo Madashaas aan ka soo Xaadirin & Dawlada oo Talaabadaas ku Tilmaantay Khiyaamo Qaran oo uu Dil ku Mutaysan Doono DAAWO

Nairobi 30. January 2018 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay maanta beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo loogu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya. Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya. Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga Waxaa…

Read More

Waa Maxay Sababta Loo Xidhay Hal Abuurada Niciima Axmed Ibraahin Qorane? & Aabaheed oo si adag uga Hadlay aaminsanaanteeda Mab’da Somali Weyn DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa Maalintii Sabtidii Xabsiga u Taxaabay Hal abuurad Naciima Axmed Ibraahin (Qorane) taas oo ka timid dhanka Muqdisho Isla markaana ku laaban lahayd Magaaladda Muqdisho isla Maalinta la xidhay. Aabaha dhalay Gabadhan oo lagu Magacaabo Abwaan Axmed Ibraahin Qorane oo maanta u Waramayay Telefishanka Eryal ayaa ka hadlay…

Read More

“Waxa la Foojariyeeyey Sexeexayga, Maamulka ayey Taasi ka dhacday..” Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in Saxeexiisa la Foojari-gareeyey, isla markaana loo adeegsaday Hanti Umaddadeed oo la Musuqmaasuqayo ama siyaabo gaar ah loo lunsanayo. Cali Xasan Cawaale oo qaar ka mid ah Warbaahinta Maanta kula hadlay Xafiiskiisa Xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa soo…

Read More

Qoys ay La Kulantay Dhacdadii Ugu Naxdinta Badnayd ee Abaarihii Somaliland soo Maray ,Caawimo Gaadhay & Fariin Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland Loo Diray DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xarunta Dhimirka ee Sahan Mr Bashiir Maxamed Jaamac ayaa deeq Kaalmo Kala duwan ah gaadhsiiyey qoys danyar ah oo Ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Qoyskan oo Ka Koobnaa Sagaal Qof 7 Caruur ah iyo Waalidkood ayaa Shan ka mid ah Caruurtaasi ay ku geeriyoodeen Xaaladii adkayd ee abaarta Halka…

Read More

Wershad Halis Nabadgelyo ku haysa Madaarka Hargeysa, Khatarteeda Caafimaad iyo Cabashada Bulshada DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wershad laga dayriyey halisteeda Caafimaad, isla markaana la sheegay inay khatar dhinaca nabadgelyada ah ku hayso Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Wershaddaas waxa la sheegay inuu u digay Maareeyaha Madaarka Hargeysa uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay. Haddaba, Warbixin ku saabsan Wershaddaas, waxay qabato, cabashada Dadweynaha iyo Digniinta la…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ka Warbixiyey Xaalada Amni ee Somaliland Isla Markaana Shaaciyey Hub ay Gacanta ku dhigeen oo Loo waday Mid ka mid ah Beelihii Gobolka Sanaag ku Dagaalamay & Waxay Xukuumadu ka Yeelayso!! DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xildhibaanada Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyadda dalka.

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay 11 Xubnood Iyo Magacyadooda

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay 11 masuul. Wareegtadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-   Madaxweynuhu Markuu Arkay:           Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;   Markuu Arkay:           Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markuu ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa…

Read More

Sanbaloolshe: Kor u Kiciisii Dhawaa iyo Hoos u Dhiciisa Hadda! Warbixin Xiiso leh oo BBC-du Diyaarisay

Muqdisho 29. January 2018 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan ee kasoo dhex muuqday dowladda federaalka kadib doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saxaafadda iyo falanqeeyeyaashaba kaga yaabsaday hadal uu fagaaro ka sheegay xilli uu ka hadlayay arrinkii Qalbi Dhagax. Wuxuu xilligaasi sheegay: “Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa…

Read More

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay in Xalka Sicir Bararka ay ka Doonto in Lagu Jiifsado Shirkad Qudha & Khatarta Ka Dhalan karta DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in gudi Xukuumadu u saartay Wax ka qabashadda Sicir bararka dalka ka taagan Saluug badan laga muujiyey. Cabdilaahi Daamur oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargaysa ayaa Sheegay in Xogo ay heleen ay Sheegayaan in talaabooyinka ay ilaa hada…

Read More