Uncategorized

Digniin Culus Oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Kasoo Saartay Tahriibka Xadhkaha Goostay Ee Da’yarta Soomaaliyeed

Mogadisho:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Xilli Maalin walba uu soo yeedhayo War dhiillo leh oo salka ku haya Silica dhallinyarada soomaaliyeed ee Badaha isku tuuraysaa, ayaa waxa wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa arrintaas kasoo saartay digniin culus.

ceelcWasaaradda oo xalay war-saxaafadeed soo saartay, ayaa muujisay walaaceeda ku aaddan Da’yarta suudaysa iyo sida joogtada ah ee noloshooda ugu waayayaan Socdaal halis badan oo aan faa’iido lahayn.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay, ayaa sidan u dhignaa:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay u aragtaa tahriibka mid dhabarka ka jabinaya jiilkii cusbaa ee dalku u baahnaa inay kaga qeyb qaataan dib u dhiskiisa  iyo horumarkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay kala kaashan doontaa Dowlado iyo hey’ado sidii loo dejin lahaa qorshe lagu xakameynayo socdaalka sharci darada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay naftooda ugu biimeeyaan Wadamada Angola, South Africa, Yemen , Saudi Arabia , Sudan, Libya iyo Italy , iyagoo ka tallaabaya dhul saxaro ah oo halis badan, badweynta India , Badda Cas iyo badda Mediterranean  oo doomaha cinjirka ah ee ay ku socdaalaan ay inta badan kula degto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa ay ugu baaqeysaa waalidiinta Soomaaliyeed  inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta caruurtooda , kuna baraarujiyaan qatarta tahriibku leeyahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay muujin doontaa dadaalo dheeraad ah  , iyadoo la kaashaneysa qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha saaxiibka ah iyo Ururo caalami ah si loo hakiyo gebi ahaan dhaq dhaqaaqa dadka wax tahriibiya , loona suura-geliyo in la horkeeno cadaaladda.

 

DHAMMAAD

QEYBTA WARBAAHINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA

 

القسم الصحفي والعلاقات العامة

 

Section of Press and Public Relations

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com