Uncategorized

Daacish Oo Soo Bandhigtay Walaalo Dhego La’ Oo Ciidamadooda Katirsan Iyo Shaqada ay Qabtaan

Mousil:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Daacish eek a dagaallama dagalka Syria iyo Ciraaq, ayaa soo bandhigay Dagaalyahanno Dhego la’ oo kamid ah Dagaal yahannadooda naftooda huray.

dheoKooxdu waxay sheegtay inay dagaalyahannadani yihiin laba nin oo walaalo ah, kuwaas oo jihaadka usoo banbaxay.

Raggan dhagaha la’ ayaa katirsan Ciidamada Kooxda Daacish gaar ahaan kuwa taraafikada ee gaadiidka kala haga ee ka howlaga Magaalada Moosil ee Dalka Ciraaq , waxa ayna labadan nin dadka kula hadlaan tilmaamaha ay isku afgartaan dadka dhagoolaha ah.

Muuqaalka laga soo duubay labadan nin dhagoolaha oo soconaya Shan daqiiqo ayey fariin ugu direen dadka reer Galbeedka ah, waxa ayna ugu baaqeen in ay kusoo biiraan xoogaga Islaamiyiinta ee Daacish.

Mid kamid ah raggan ayaa sheegaya in aanay jirin wax cudur daar ah oo diidaya in lagu biiro kooxda daacish, waxa uuna tilmaamay in aanay jirin wax lagu mar marsiyoon karo , waxa uuna intaa raaciyay in ay dadka curyaanka ah xitaa qeyb ka noqon karaan dagaalada ee Daacish wadaan.

“Aniga waxaan ahay nin dhagool ah ,waxaan ka tirsanahy ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa taraafikada,waxaa dhinaceyga jooga oo ila shaqeeya Walaalkey Abuu Cabdiraxmaan” ayuu yidhi mid kamid ah labadan nin dhagoolada ee katirsan Kooxda Dacaish.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalka Ciraaq ayaa inta badan soo bandhigta Muuqaalo kala duwan ay soo qaadaan, waxa ayna hore u baahiyeen Muuqaalo kuwan oo kala a oo muujinaya dad curyaan ama indho la’ oo kooxdaasi katirsan dagaalkana ku jira.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com