Uncategorized

Sucuudiga Iyo Sweden Oo Sii Kala Fogaanaya Iyo Halka Murankoodu Salka Ku Hayo

Riyadh:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Waddamada Sucuudiga iyo Sweden, ayaa xidhiidhkoodii sii xumaanayaa, waxana sii kordhaya Hadallada eedda ah ee labada dhinac isweydaarsanayaan.

Sweden's new government has recognized teh State of PalestinianMuranka Labadan waddana asalkiisa ayaa ka dhashey kadib markii dalka Sucuudi Carabiya ay ka horjoogsatey Haweeneyda ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallstrom, khudbad ay ka jeedin lahayd shirkii Jaamacadda Carabta maalintii Isniintii ina dhaaftay dhacay.

Margot Wallstom ayaa waxaa casumey xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabil al-Araby si ay khudbad uga jeediso kulanka Qaahira uga furmey dalalka ku jira Jaamacadda Carabtak, balse sucuudiga, ayaa arrintaas kasoo horjeestay, waxana uu ku muquuniyey awooddiisa uu  jaamacadda carabta ku dhex leeyahay.

Waa wax naadir iyo dhif ah in madax ka socota dalal aan ku jirin Jaamacadda lagu casumo, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden waxaa loo casumey kadib markii Sweden ay Falastiin u aqoonsatey dal madax banaan oo jira.

Dalka Sucuudi Carabiya ayaa tirsanaya in Sweden marar badan ay ku canbaareysey sida Sucuudigu ugu tunto xuquuqda aadanaha, Margot Wallstrom ayaana ka mid ah ahayd hoggaamiyaashii canbaareeyey xadhiga Sucuudigu u geystey Raif Badawi oo ah nin Interneta wax ku qora.

Sucuudiga ayaa sidoo kale ka xun heshiisyo hore u dhacay oo la xidhiidha dhanka ganacsiga hubka oo dalka Sweden wax ka bedalay.

Arrintan ayaa weji gabax ku noqotey xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ee casumey Wasiirada sida geesinimada leh uga hadashey xuquuqda dadka Falastiiniyiintu u lee yihiin in ay noqdaan Dowalad madaxbanaan, sidoo kale waxaa ka xumaadey madax ka socotey qaar kamid ah dalalka Jaamacadda Carabta oo dalka Falastiin ka mid yahay

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com