Uncategorized

Xabsi-daa’in Lagu Riday Xubin Shabaabka Ka Tirsan Oo Qarax Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

Muqdisho:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Xubin la sheegay inay katirsan tahay Ururka Al-shabaab, ayaa shalay la horgeeyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, kaas oo lagu eedeeyey inuu Magaalada Muqdisho hore qaraxyo uga Geystay.

xurooNinkaasi oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cilmi Shire, ayaa waxay Maxkamaddu ku heshay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, isagoona qirtay in qaraxyo dhowr ah uu ka geystay Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan C/raxmaan Aadan, oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay dembiile, ka dib markii uu sheegay inuu qirtay qaraxyo dhowr ah, oo Magaalada Muqdisho uu ka geystay.

Kaaliyaha, ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo ay Maxkamaddu ku riday C/qaadir Cilmi Shire, haddii uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Dhanka kale Maxkamadda, ayaa maalintii shalay xukun dil ah ku riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Somaliya, kaasoo nin shacab ahaa ku dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Askariga oo lagu magacaabo C/qaadir Xuseen Xasan, ayaa qirtay inuu dilay Maxamed Yamow Axmed.

Labada nin ee la xukumay, ayaa racfaan ka qaadan kara xukunada lagu riday, si kiiskooda ay ula wareegto Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com