Uncategorized

Shaki Ka Jira Villa Somalia Iyo Isku-shaandhayn Lagu Wado Shaqaalaha Goobtaas Ka Hawlgala

Muqdisho:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Shakiga ka dhex jira Villa Somalia, ayaa dibadda usoo baxay, waxana baadhitaano dheeri ah lagu hayaa dhammaanba shaqaalaha Halkaas ka hawlgala, gaar ahaan kuwa ku qoran xafiiska Ra’isal wasaaraha.

villa-somaliaHowlwadeenada ka howlgasha xafiiskiiskan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa aad u farabadan islamarkaana isugu jira kuwa mashquul badan iyo kuwa aan qaban wax howl ah.

Fakirkani cusub ee lasoo darsay Ra’isal wasaaraha dalka ayaa yimid kadib markii uu dhashay kala shakiyo ka dhextaagan Madaxda qaar iyo Howlwadeenadooda.

Go’aankani ayaa waxa uu saameyn doona Kontomeeyo shaqaale oo ka howlgala Xafiiska R/wasaaraha kuwaasi oo xiliganba muujinaaya walaac ku aadan go’aamada kasoo bixi doona Xafiiska R/wasaare Cumar.

Tan iyo intii saraakiisha Booliska iyo Nabadsugidda katirsan lagu xidhay tuhunka Qaraxii SYL, waxa soo kordhaya shakiga ay masuuliyiinta Dawladdu ka qabaan Ciidanka iyo Shaqaalahoodaba, waxana la filayaa inay dhawaan soo saari doonaan tallaabooyin shakigaas lagu baabi’inayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com