Uncategorized

Ajaanib Doonayey Inay Al-shabaab Ku Biiraan Oo Gacanta Dawladda Somalia Soo Galay

Dhoobley:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Somalia, ayaa la sheegayaa inay Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose Ku qabteen Rag ajaanib ah oo doonayey inay ku biiraan Xoogagga Al-shabaab.

lecWararku waxa ay intaas ku darayaan in raggani ka yimaadeen dhinaca waddanka Kenya, isla-markaana  ay si dhuumaalaysi ah u rabeen inay kooxahaas ugu biiraan.

Ajaanibta la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaadhayso ilaa lix ruux oo dhamaantood Ajaanib ah, marka laga reebo laba ruux oo Soomaali ka ah oo ragaas hayey.

Ragan Ajaanibta ah ayaa ka soo kala jeeda dalalka laba ruux oo u dhashay Tanzania, laba Kenyaati ah iyo laba Soomaali ah, iyadoo Taliyaha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Dhoobley Col: Heybe Axmed Cabdulaahi oo sheegay inay doonayeen ragaasi inay u soo talaabaan Deegaanada Al Shabaab ay maamulaan si ay uga bar bar dagaalamaan Shabaabka.

Dhanka kale Taliye Col. Heybe ayaa sheegay ragaasi in ay tahay markii ugu horeysay oo ay ku biiri lahaayeen Shabaab, balse ay ka hor joogsadeen Ciidamada Dowlada ee ku sugan Degmada Dhoobley iyagoo garab ka helaya Maamulka iyo shacabka Dhoobley

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com