Hargeysa:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Madaxtoooyada Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadashay Dibu-dhaca ku yimi doorashooyinnkii waddanka ka qorshaysnaa, waxana ay tilmaamtay inaanay dibu dhacaasi xagga xukuumadda ka iman.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey Go’aanno ay dhawaan soo saarayeen Mucaaridka Somaliland oo iskaashi ku dhaqaaqay, waxana uu tilmaamay inaannay Habooonayn In Xisbiyada Mucaaridku aanay ag fadhiisan Madasha Wada-tashiga oo uu ku tilmaamay Madal sharcidarro ah,
“Waxa la yaable cidda aad eedanayso inaad Hayso Barnaamij iyo waxyaabo kale oo aad kula tartanto oo aad umadda usoo bandhigayso, taasaana aad umadda u sheegaysaa, dalkana aad leedahay xukuumadda Taagan waxaasaanu kaga wacanahay, shalayna waad Arkayseen oo shir jaraa’id bay qabteen Labada xisbi mucaarid iyo koox aan sharciyan dalkan ka ahayn, iyagoo sharci ah oo la aqoonsan yahay cid aan sharci ahayn inay aqoonsadaan oo is agfadhiisiyaan waa wax jiritaankooda wax yeelaya, miyey ku qancin kari waayeen Xisbiyada ssoo gala.” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.
Mudane Dhuxul oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ka Hadlay Arrimaha Doorashada, waxana uu sheegay inay doorashadu dhici doonto xilliga Umaddu u garato sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,
“Doorashadu way dhici doontaa wakhtigeeda iyo markeeda ayey dhici doontaa, wakhtiga umaddu ugaratay bay dhici doontaa, sifo sharci ahna way mari doontaa.”
Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa uu ka hadlay Dhawaaqa Mucaaridka ah ee sheega in wixii 26-Ka Bisha June oo Muddo-xileedka Madaxweynuhu ku egyahay aanay Xukuumadda Aqoonsan doonin, waxana uu tilmaamay inaanay hanjabaadahaas dhegaysan doonin,
“dalkani Dawlad buu leeyahay Hanjabaad iyo 26-ka June cid ku hanjabi kartaa ma jirto, dalkana amnigiisa xukuumaddaaa ka masuull ah, cid kale oo hanajabaad iyo wax kale ula iman kartaa ma jirto, qarankan dhismihiisa ayey xukuumaddani ka shaqaynaysaa.”ayuu yidhi Dhuxul.
Dhinaca Kale Mudane Dhuxul wax aka jawaabay Su’aal Warbaahintu weydiisay oo la Xidhiidhay in laga qaaday Shaqadii Afhayeenimo ee Madaxtooyada, waxana uu arintaas kaga jawaabay,
“Xafiiska waan ka maqnaa oo shaqo ayaan kaga maqnaa, naasirna waa kaaliyahaygii wixii war ah ee kasoo baxa madaxtoyada, waxa uu u igman yahay inuu soo saaro isagoo magacayga iyo xafiiskayga adeegsanaya, Hadii Wasiirku maqan yahayna Wasiir-ku-xigeenkaa Hawsha sii wada.”
Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawllan sidii ay jawaab ugu heli lahayd Mawjado cambaarayn ah oo mucaaridkeeda kaga imanaya, waxana lagu wadaa in maalinta Berri ah uu Xisbiga Kulmiye Qabto Kulan Ballaadhan oo ay kaga jawaabayaan Eedaha Mucaaridka.
“
SDN/QJ
