Uncategorized

Akhri Nuxurka Qoddoba Culculus Oo Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Kaga Jawaabeen Dibu-dhaca Doorashada

Hargeysa:Mar, 10, 2015(SDN/QJ)-Cududda Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland ee dhawaan-dhaladka ah, ayaa markii ugu horraysay soo saaray QOddobo jawaab u ah dibu dhaca ku yimi doorashadii madaxtooyada iyo middii Baarlamaanka ee dalka ka qorshaysnayd Badhtamaha sanadkan.

baqoolIsbahaysiga oo Maanta hoggaankiisu shir jaraa’id ku qabteen Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Huteel Mansor, ayaa waxa ay kaga dhawaaqeen Qoddobo miisaan badan oo ay ku hogotusaalaynayaan Xalka ay u arkaan in lagaga bixi karo fashilka ku yimi Doorashooyinkii la filayey inay waddanka ka dhacaan.

Nuxurka Qoddobadan ayaa maanta Isbahaysigu soo saareen, ayaa ah sidii la iskugu iman lahaa Talo qaran oo ballaadhan, taas oo ay sheegeen in loo baahan yahay inuu Madaxweynuhu ku baaqo, maadaama waajibka koowaad isaga saaran yahay.

Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa saxaafadda u akhriyay Qodobada waxaanay u dhignaayeen sidan:-

1. Muddo dhaafku waa Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada labadaba, sidaas darteedna isbahaysiga Mucaaradku wuxuu ku baaqayaa in Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo hogaanka u qabto Shir wada tashi ah, oo lagaga arrinsado hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26-06-2015 ilaa maalinta doorashadu dhacayso. Isbahaysiguna waxa uu ugu baaqayaa Shacbiga Gobolada iyo degmooyinka inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta;

2. Maadaama aan lagu kalsoonaan karrin ciddii fashilisay in doorasho inoo qabsoonto, Isbahaysigu wuxuu caddaynayaa in Haddii uu Mudane Siilaanyo diido Shirka wada tashiga, waxay Isbahaysigu ku dhawaaqayaan Shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April ee 2015-ka.

3. Isbahaysiga Mucaaradku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan Muddo kordhin xaaraan ah oo aan la aqbali doonin, oo keeni karta dhibaato iyo fawdo dalkan la galiyo;

4. Isbahaysiga Mucaaradku waxay Komishanka doorashada ka dalbanayaan inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan Jadwal dhamays tiran oo ay ku caddahay wakhtiga doorashadu;

5. Isbahaysiga Mucaaradku wuxuu uga digayaa Xukumadda inay samayso Abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba inna tari Karin, sida ka qorshaysan khamiista ee loogu talo galay in jawaab lagaga bixiyo mawqifka Mucaaradka, haddii taas laga waantoobi waayo waxaa khasab noqonaysa in Mucaaradkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan Shaarciyada dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasaporanews.com