|

Al Shabaab lagu duqeeyay degaano hoostaga Xarardheere

Muqdisho April 08, 2024 (QJ) -Diyaarado dagaal oo taageeraya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxa ay weerar xooggan ku qaadeen goobo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan ciidamada dowladda.

Duqeynta ayaa lala beegsaday deegaan lagu magacaabo Baraag Gurguurte oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa ku waramaya in duqeynta lagu dilay dhowr maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in lagu burburiyay gaadiidkii dagaalka ee ay wateen.

Deegaanka la beegsaday ayaa maalmihii la soo dhaafay fariisimo u aheyd Al-Shabaab, halkaasi oo ay ku aruurinayeen dagaalyahano iyo saanad ciidan oo kala duwan. Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa looga hortagayay weerar lagu soo qaado ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh Xarardheere.

Al-Shabaab ayaa ayaa u muuqata in ay dooneyso in ay dib ula wareegayaan gacan ku heynta degmada Xarardheere oo ay horay uga saareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Leave a Reply