|

Al Shabaab oo ka hadashay weerarkii Janaay Cabdale

Kismaayo March 09, 2023 (QJ) – – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada weerar ay dagaalyahanadooda ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Jannaay Cabadalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo dhacay Talaadadii ayaa waxaa ka dhashay dagaal culus oo geystay khasaare lixaad leh oo labada dhinac soo kala gaaray. Maleeshiyada ayaa ku andacoonaya in ay u suuragashay in ay cagta mariyaan fariisinka ciidamada, islamarkaana ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka. Waxa ay sidoo kale soo bandhigeen sawirada agab ciidan oo ay ku qabsadeen weerarka, waxaana ay soo bandhigeen dagaalyahanadooda oo gaaf wareegaya saldhiga.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirada askar ay sheegeen in ay ku dileen weerarka. Sawirada ayaa muujinaya askarta oo meyd ah oo dhulka daadsan, hubkooda iyo agabkoodana ay daadsan yihiin hareerahooda. Weerarkan ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee dhanka ammaanka ah oo ay kala kulmaan dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah.

Comments are closed