|

Askar Mareykan ah oo laga baadigoobayo badda Soomaaliya

Muqdisho January 13, 2024 (QJ) -Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, waxaana socda baadigoob xooggan oo lagu raadinayo askarta maqan.

War ka soo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada badda la waayay, waxaana taliska uu sheegay in howlgalo lagu baadigoobayo askartaasi ay socdaan.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaan faah faahin badan ka bixin magacyada askarta la la’yahay iyo markabka ay la socdeen, sidoo kale ma aysan faah faahin sababta askartaasi loo waayay.

Todobaadyadii la soo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa maraakiib dagaal geysay qeybo ka mid ah badda cas iyo gacanka cadmeed,kadib markii ay kordheen weerarada ay kooxda Xuuthiyiinta ku qaadayaan maraakiibta ganacsi ee ku sugan badda cas.

Comments are closed