admin

Xukuumadda Somaliland oo aqbalaysa dibad-baxyada iyo shuruudo ay wadato

Hargeysa. 6 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho mudaharaadada mucaaradka u qorshaysan, iyadoo la filayo in ay aqbasho. Xogo ay Qurbejoog ka heshay xukuumadda ayaa sheegaya in kulan ay saraakiisha ugu muhiimsan xukuumaddu iskugu yimaadeen Guriga Madaxweynaha ay ku go’aansadeen in ay aqbalaan dibad baxa, balse…

Read More

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo berri la ansixinayo

Muqdisho. 6 August, 2022 (QJ)-  Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor…

Read More

Golaha Wakiilada oo wada qorshe xilka lagaga qaadayo Muuse Biixi

Hargeysa. 6 August, 2022. (QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland wada qorshe ballaadhan oo maamuus-ka-xayuubin loogu samaynayo madaxweynaha Somaliland, kadib khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira. Xildhibaanada wada waxay badi kasoo jeedaan xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, iyadoo ay qorsheeyeen in dhammaan xildhibaanadii ka soo baxay xisbiyada mucaaradku ay taageeraan qorshahan. Mucaaradka ayaa…

Read More

Kulan dhex maray Muuse Biixi iyo xukuumadiisa iyo waxa lagaga hadlay

Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa todoabadkan dhamaanaya ka dhacay kulan goor habeenimo ah dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ugu muhiimsan xukuumadiisa gaar ahaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo xubno kasoo beesha Garxajis. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxa laga yeelayo dibad baxyada ballaadhan ee mucaaradku ay qorshaynayaan iyadoo fikrado kala duwan ay…

Read More

Goorta ay Somaliland ka dhacayaan dibad-baxyadu iyo faahfaahin kale

Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya dibad baxyo ballaadhan oo ka dhaca dhammaan gobolada Somaliland oo dhan kuwaas oo lagu dalbanayo in doorashada madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, bbalse xukuumadda ayaa diidan. Qurbejoog ayaa ogaatay in dibad baxyadu ay dhacayaan todobaadkan bilanaya iyadoo loo badinayo maalamaha kasoo horeeya Khamiista, gaar ahaan Axadda ama…

Read More

Maraykanka oo gaadiidka ciidamada siiyay ATMIS kadib weerarkii lala beegsaday

Muqdisho. 5 August, 2022. (QJ)-  Dawladda Maraykanka ayaa 24 ka mid ah gawaadhida gaashaaman ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, saddex bilood ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado ah lagu qaado howlgalka nabad ilaalinta ee uu Mareykanka taageero. Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka Mareykanka ee Soomaaliya…

Read More

Muuse Biixi oo diiday in uu la kulmo weftigii Itoobiya ee ciidamada

Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)-  Madaxweynaha Somaliland ayaa diiday in uu la kulmo wefti heer sare ah oo dawlada Itoobiya ay usoo dirtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyagoo waday fariin ka socotay raysalwasaare Abiy Axmed. Waftigan oo ahaa mid ciidan ee Itoobiya ka socda waxaa hoogaminaayay Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya…

Read More

Ciidamada Maraykanka Afrika AFRICOM oo taliye cusub yeeshay

Muqdisho. 4 August, 2022 (QJ)- Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Salaadada soo socota. Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh. Aqalka…

Read More

RW Ku Xigeenka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

Muqdisho. 2 August, 2022. (QJ)- Golaha Wasiirada ee dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka labaad ee xukuumadda ahna Raysal Wasaare ku xigeenka ayaa la shaaciyay goor dhawayd. Golaha Wasiirada ayaa sidan ahaa: Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Xasan Macalin Wasiirka Cadaaladda…

Read More

Taliye Dabagale oo waraaqaha ku hor jeex-jeexay masuuliyiinta UK iyo sababta

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)-  Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa si anshax darro ah uga falceliyay walaac ay gaadhsiisay dawladda Ingiriisku isagoo hadalo af lagaado ah ku duray masuuliyiin ka socday xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargeysa. Dabagale ayaa waraaqaha ay ku qornayd cabashadu wuxuu ku hor jeexjeexay  masuuliyiinta siday oo ka socday xafiiska Ingiriiska…

Read More

Mucaaradka Somaliland oo ciidamo badan keensanaya dibad-baxyada

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Deegaanada Somaliland waxa ka socda abaabulka dibad baxyo waawayn oo ay dhigayaan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, kuwaas oo lagaga soo hor jeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Bixi iyo doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaafta. Qurbejoog waxay ogaatay in mudaharaadada soo socda ay noqonayaan kuwo ka duwan mudaharaadkii dhacay bishii June horaantiisi…

Read More

Xukuumadda Muuse Biixi oo Beesha Caalamka eedayn culus u jeedisay

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa eedaymo culus waxay u jeedisay Beesha Caalmka oo wada dedaalo ay ku dhex dhexaadinayso xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, iyagoo weftiyo kala duwan usoo diray Somaliland. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub ayaa ku eedeeyay wadamada Beesha Caalamka in ay mucaaradka ku dhiiri galiyeen qas ay ka bilaabaan…

Read More

Gaboose oo weji-gabax kala kulmaya Muuse Carre iyo Maxamed Cismaan Fadal oo urur furanaya

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Siyaasiga wayn ee Maxamed Cabdi Gaboose ayaa wajahaya weji gabax culus oo uu kala kulmayo jufada uu kasoo jeedo ee Muuse Carre oo ka tirsan beesha Garxajis, iyadoo siyaasigii labaad ee beeshaas ahi uu dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqayo urur siyaasadeed cusub. Gaboose ayaa dhwaan furtay ururka Barwaaqo oo cadaadisyo joogto ah kala…

Read More

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland oo jabhad qorshaynayay ka hor intii aan la magacaabin

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Taliyaha Ciidamada Badda Ee Somaliland ayaa qorshaynayay in uu samaysto jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, ka hor inta aanu madaxweynaha Somaliland u magacaabin Taliyaha Ciidamada Baddda. Qurbejoog ayaa ogaatay in taliyee Axmed Hurre Haariye uu muddo badan sugayay in la dalacsiiyo maadaama oo uu leeyahay khibrad ciidan oo…

Read More