|

Bakaaraha oo hoobiyaal lagu gaaraacay maanta

Muqdisho February 06, 2024 (QJ) -Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta ku dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka dhasheen khasaare dhaawacyo ah.

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay xarumo ganacsi xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay. Muuqaallo lagasoo duubay goobta ayaa muujinayay dad dhaawac ah oo dalbanaya caawimaad.

weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa toban ruux, waxaana isbitaalada loola cararay dad qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray duqeymha.

Guud ahaan suuqa Bakaarahaha ayaa albaabada loo laabay, Lamana shaacin cidda ka dambeysa hoobiyayaasha, ma aha markii u horeysay ee magaalada Muqdisho lagu garaaco hoobiyayaal ayaa hadana waxa inta badan lala beegsan jiray xarumaha dowladda.

Laamaha amniga ee booliiska ayaa hadda wada baaritaan ku aaddan halka lagasoo riday hoobiyayaasha iyo cida ka danbeysa.

Comments are closed