|

Booliiska Soomaaliya oo u jawaabay Safaarada Mareykanka

Muqdisho April 11, 2024 (QJ) -Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, C/fitaax Aadan Xasan, ayaa faah faahin ka bixiyay joogitaanka ciidan aad u hubeysan oo saacadihii la soo dhaafay lagu arkayay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib digniino dhanka ammaanka ah oo ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in ciidamadan ay ka kooban yihiin cutubyo kala duwan oo ka tirsan booliiska, gaar ahaan kuwa xoogga lagu saaray sugidda amniga caasimadda iyo ilaalinta nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay sii kordhayaan khatarta kooxaha nabad diidka ah.

C/fitaax Aadan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in Magaalada Muqdisho ay ka jiraan khataro gaar ah oo dhanka ammaanka ah oo ay og tahay Dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay in ammaanka Magaalada uu xilligan marayo heerkii ugu fiicnaa.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa yimid ku dhawaad 48 saacadood kadib markii Safaaradda Mareykanka ay soo saartay digniin ku aadan qatar amni oo muujineysa suurtagalnimada weeraro lagu qaado goobo dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Suuqa ugu weyn ee magaalada.

Leave a Reply