Richmond:Mar,10,2015(SDN/QJ)-War cusub ayaa laga soo saaray Maxkamadii wadday Kiiska ka dhanka ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somalia Gen. Maxamed Cali Samatar oo haatan Maraykanka ku sugan.
Maxakamdda sare ayaa soo saartay amar ay ku diidayso in dacwaddaas la joojiyo, waxana ay Go’aansatay in dacwaddaas lasii wado.
Eedeymaha loo heysto, ayaa waxaa ka mid ah in dhibaatooyin ka dhan xuquuqda aadanaha, oo ay geysteen Ciidankii Militariga Somaliya intii u dhaxeysay 1980-1990-kii. Waxaana soo eedeeyay dad sheegay in eheladooda uu la dhibaateeyay, iyadoo shacabka dhibtaas sheeganayaan yihiin reer Somaliland.
Waxay kaloo sheegeen inuu bixiyay awaamiirta ku aadan in Ciidankii Militariga Somaliya geystaan dhibaatooyin ka dhan ah dad aan waxba galabsan oo ku noolaa Goboladii Waqooyi ee Somalia.
Maxkamadda waxay sheegtay in Jananku uu iska difaaci karo eedeymaha loo heysto, waxaana suurta gal ah in Maxkamaddu ay go’aan ka gaarto dacwadda loo heysto.
Dacwadda loo heysto General Maxamed Cali Samatar, ayaa Maxkamad ku taala Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ka furmatay sanadkii 2010-ka, iyadoo uu marar kala duwan ka soo muuqday Maxkamadaasi.
General Maxamed Cali Samatar waxa uu beeniyay in uu amray in dad rayid ah la dhibaateeyo, mudadii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sanadkii hore diiday in wax eedeymo ah loo soo jeediyo Maxamed Cali Samatar. Laakiin Maxkamadda waxay bishii November ee sanadkii 2012-ka amartay in dacwadiisa la sii wado.
Dowladda Madaxweyne Barack Obama, ayaa hore Maxkamadda kaga codsatay inaanay dhageysan dacwadda ka dhanka ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya.
General Samatar hadda waa 77 sano jir, waxa uuna ku nool yahay Gobolka Virginia ee waddanka Maraykanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
