Saraakiisha Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Fariin Adag U Diray Laamaha Dawlada, Kana Waramay Isbedelka Xafiiska DAAWO

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Ayaa Shir Jaraa’id Ay Ku Qabteen Gudaha Xafiiska hantidhawrka Waxa Ay kagaga Warameen Isbedelada Lagu Sameeyey Haayada hantidhawrka Qaranka Somaliland, Sidoo kale Waxaa Ay Fariin u Direen Dhammaan laamaha kala duwan ee Dawlada Taas oo Ku Waajahan Sidii Loo Ilaalin Lahaa Hantida Qaranka Somaliland…

Read More

Hargaysa oo Lagu Soo dhaweeyay Laba Siyaasi oo Xisbiga Kulmiye u fadhiyey Dalka Ingiriiska & Balan ay ku qaadeen inay Olole Xoogan ka Geli doonaan Kaambaynka Doorashada DAAWO

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Duulista Iyo Ciyaaraha oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Iyo Madax dhaqameed ayaa soo dhaweeyay Siyaasiyiin ka mid ah Xisbiga Kulmiye ee Cariga Ingiriiska.

Read More

Somaliland: Sicir-Bararka iyo Sarif Bararka oo sii Xumanaaya

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Sicir-bararka iyo sarrif-bararka is biirsaday  ee ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galay marxaladdii ugu xumeyd taariikhda 26-kii sannadood ee dalkani  madax-bannaanidiisa la soo noqday, waxaanay  xaalad aad u adag oo nololeed soo wajahday dadka danyarta ah oo markii horeba ay haysatay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan. Maceeshada daruuriga ah, ayaa…

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Dhigiisa Waddani Mr Cirro ku Tilmaamay Mid u Eeg Hogaamiyaha Bilaa Diinta ah ee Dalaylama ee Buudhismka & Wasiir Xukuumadda ka Tirsan oo Ka Gubtay in Qof Islaam ah Diin-laawe lagu Sheego!!!! DAAWO

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in astaanka xisbiga waddani ay u eeg tahay dharka ay xidhaan dadka bilaa diinta ah ee Buddhismka isla markaana wuxuu musharaxa xisbigaasi ee Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay mid u muuqaal eeg wadaadka hoggaamiya dadka Buddhismka aaminsan. Hadalka Faysal Cali Waraabe waxa dhibsaday oo si…

Read More

Laba ka Mid ah Madax-dhaqameedyada ay ka soo Kala Jeedaan Labada Murashax ee Kulmiye Iyo Waddani oo Madal Dhaqan Tixo Gabay is weydaarsaday & Hawraartii Boqor Buur Madow DAAWO

Burco 08. October 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Iyo Boqor Faysal Cusmaan Faarax oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beelaha Habar Yoonis ayaa madal dhaqan oo lagu Caleem Saarayay Suldaan Cusub Magaalada Burco ayaa waxa ay weedho Tix ah kaftan iyo duurxul siyaasadeed isugu gudbiyeen…

Read More

Kulankii Madax-dhaqameedka Bariga Burco Ee Mustaqbalka Cidda Lagu Wareejinayo Guddoomiyaha Kulmiye Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday Dibna Loogu Riixay Doorashada Kadib

Burco 08. October 2017 (SDN/QJ):- Kadib shirkii Beesha Biciido ee Habar-Jeclo ee ka dhacay Gobolka Sanaag Oo uu ka soo istaadhmay Qorshe lagu raadcaynayo shaqsiga mustaqbalka beeshaasi ku wareejinayso Gudoomiyaha Xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Dabadii,ayaa waxa uu shir uga qabsoomay Magaaladda Burco beesha Bariga Burco,kaasi lagaga wada hadlay waxa laga yeelayo Booska Gudoomiyaha Xisbiga…

Read More

Ergadii Ugu Badnayd Ee Beesha Gudoomiye Muuse Biixi Oo Shalay Illaa Xalay Ku Sii Qulqulaysay Magaaladda Burco Iyo Kulan Siyaasadeed Muddo La Saadaalinayay Oo Burco Uga Qabsoomaya

Burco 08. October 2017 (SDN/QJ):- Ergadii ugu tirada badnayd ee ka soo jeeda beelaha Subeer Awal oo iskugu jirta Salaadiin,Siyaasiyiin,Ganacsato iyo waxgarad kale ayaa Xalay illaa shalay ku sii qul qulayay Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco halkaasi oo uu maanta ka dhacayo kulan muddo la saalaadinayay oo dhex ay gondaha isgalin doonaan Beelaha Subeer Awal…

Read More

Afar Qof oo Ku Geeriyooday Iyo Shan Ruux oo Kale oo Ku dhaawacmay Shil Baabuur oo Maanta Ka dhacay Deegaanka Gobolka Gebilay DAAWO

Gebilay 08. October 2017 (SDN/QJ):-Alle ha u naxariistee afar qof ayaa maanta duhurnimadii ku geeriyooday shil Baabuur oo ka dhacay deegaanka Caro-tuulka oo u dhexeeya kala Baydh iyo Gabiley, halka Shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkan dhintay waxaa ka mid ah gudoomiyihii degmada kala Baydh maamule iyo macalin ka tirsan dugsiga kala Baydh, halka Shan qof…

Read More

Kala Hororsiga Sadexda Xisbi Qaran ee Shacabka oo Dhaq-dhaqaaqooda si Weyn Hargaysa Looga Dareemay & Hirdankii Ugu adkaa oo Ka Taagan Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamed Mooge!!!

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo Maalinbaa maalinta ka dambeysa lagu sii durkayo Maalinta Doorashada Madaxtinimada dalka ee 13-ka November ee sanadkan 2017 ka dhici doonta dalka taas oo ay ku tartamayaan Musharaxiin kala matalaya Saddexda Xisbi Qaran Ee Waddani, Kulmiye Iyo Ucid, Xisbiyadda Waddani Iyo Kulmiye waa Xisbiyada Ugu cadcad ee ku tartaamaya…

Read More

Xaaladda Adag  ee  Qaxoonti  ka soo Baro-kacay Yemen oo ka soo Degay Dekedda Berbera

Berbera 08. October 2017 (SDN/QJ):- 65 qof oo qaxoonti ah oo ka soo cararay dagaalka ka socda waddanka Yemen, ayaa habeen hore soo gaadhay dekadda Berbera, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta gobolka Saaxil  iyo Bisha cas ee Somaliland. Dadkan qaxoontiga ah oo uu siday markab ganacsi oo la yidhaahdo Bamadhaf, oo ka soo…

Read More

Baankii Dhexe Ee Qaranka Somaliland Oo Haawanaya Iyo Meehanowga Dadka Jeegaga Sita + Madh-Naanta Qasnadaha Baanka

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Warar iyo xogo rasmi ah, ayaa sheegaya inuu Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland uu haawanayo,isla markaana aana jirin wax lacag ah oo taal, iyadoo ay qasnadihii kayd-ka Lacagaha ee Baanka ay gebi ahaaba faaruq-yihiin. Illo wareed-yada aanu warkan ka helnay ayaa intaasi ku daray in maal-mihii u danbeeyey ay Baanka…

Read More

Madaxweynaha Punt land oo Dib u Hawlgeliyey Taliyihii Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka Punt land

Garowe 08. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u fasaxay Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax ( Ereg) in dib uu shaqadii u bilaabo ka dib markii bishii September Madaxweyne k/xigeenkii Puntland uu shaqada ka fariisiyay. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Gaas ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha dalka inay…

Read More

Africa: Madaxweyne Xabsiga dhexdiisiisa Ka Maamulayaa Doorashada Dalkiisa! Waa Maxayse Sababtu?

Liberia 08. October 2017 (SDN/QJ):- Dadku waa kuwo weli xiiso weyn u qaba Madaxweynahoodii hore, waxaanay rejaynayaan in maruun uu u soo laaban doono. Waxay rejadani soo iftay Xilli reer Liberia ay u dareerayaan doorashada Madaxtinnimo ee dalkaas oo lagu wado inay qabsoonto tobanka bishan Aktoober ee aynu ku jirno. Hase-yeeshee, waxaa dib u soo…

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Wasiirro Hore ku Eedeeyay inay Siyaasadeeyeen Dugsiga Sh. Cali Cismaan Ex Riis

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha  ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa ku eedeeyay  in xubno hore wasiirro uga soo noqday   dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland ay doonayaan in ay hadda xukuumadda  ku ceebeeyaan dhibaatooyinkii ay iyagu dhigeen. Waxaanu ku sifeeyay xubnahaasi in xiligii ay wasiirrada ahaayeen in…

Read More

Hoggaamiyaha Myanmar  oo lagala Noqday Abaalmarin Caalami ah oo Hore Loo Gudoonsiiyey Kadib Xasuuqa Isir Sifaynta ee Qoomiyada Muslimiinta Rohinga!!

London 08. October 2017 (SDN/QJ):- Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa hoggaamiyaha dalka Myamar Aung San Suu Kyi kala noqotay abaalmarin sharafeed la siiyay haweenaydan sanadkii 1997-dii. Golaha deegaanka magaalada Oxford ayaa cod aqlabiyad ah uga xayuubiyay abaalmarinta Suu Kyi sababtuna tahay sida ay indhaha isaga tirtay dhibaatada dadka muslimiinta Rohingya. Wax ka badan nus malyuun…

Read More

Warbaahinta Oo Hadal Haysa Lammaane Xeelad Aad Loola Yaabay U Adeegsaday In Ay Si Fudud Ugu Dhacaan Lacag Ka Badan Hal Milyan Oo Dollar Iyo Qaabkay Xatooyada U Sameeyeen DAAWO

Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Lamaane isqaba oo ku nool dalka Maraykanka ayaa la soo taagay maxkamad, waxayna qirteen inay xadeen ama si khiyaamo ah ku qaateen allaab qiimaheedu dhan yahay $1.2 milyan. Lammaane lagu magacaabo Joseph Finan iyo Leah Finan ayaa alaabaha ka xaday suuqa weyn ee dhinaca Internetka wax lagu kala iibsado ee…

Read More

Madaxweyne Afrikaana Oo Noqday Kan Ugu Mushaharka Yar Madaxda Afrika Hoosna U Dhigay Lacagta Waallida Ah Ee Madaxda Dawladdiisu Qaadato!!

Tanzania 08. October 2017 (SDN/QJ):- Shacabka waddanka Taansaaniya ee qaaradda Afrika ayaa isu soo baxyo ku muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynahooda John Magufuli oo dhawaan hoos u dhigay mar kale mushaharka uu qaato sidoo kalena soo saaray digreeto uu meesha kaga saarayo lacagaha waallida ah ee ay qaataan madaxda kala duwan ee dalkaasi Tanzania…

Read More