Qaramada Midoobay oo Sheegtay in  Dad Gaadhaya 123 Kun Iyo Lix Boqol oo Ruux oo ka Tirsan Qoomiyada Rohinga ka qaxeen dalka Myanmar

New York 07. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa sheegtey in tirada Muslimiinta Rohingya ee ka qaxay dalka Purma ee u tallaabay dhinaca dalka Bangaladaash ay haatan marayaan Boqol iyo Saddex iyo Labaatan Kun iyo Lix boqol oo qof. Qaramada midoobay waxa ay sheegty in afar iyo labaatankii saacadood ee ugu danbeeyey Todoba iyo Sodon…

Read More

Warbixin Idaacada BBC-du ka Diyaarisay u Dhiibistii Qalbi Dhagax ee Itoobiya inuu Gilgilay Quluubta Shacabka Soomaalida

Muqdisho 07. September 2017 (SDN/QJ):- Magaciisu waa Cabdikariim Sheekh Muuse, waxaana lagu naanaysaa Qalbi-Dhagax , taas oo malaha loogu bixiyey calool adeygiisa, balse toddobaadkan wuxuu ruxey quluubta Soomaalida intooda badan, isaga oo noqdey shaqsiga loogu hadal heyn badanyahay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta intuba. Haddii ay kuu tahay markii koowaad ee aad maqlaysid magaca Qalbi…

Read More

Xiisada u Dhaxaysa Quwadaha Adduunka oo sii Kordhaysa Iyo Ruushka Iyo Maraykanka oo Cudud Mileteri Isugu Hanjabay

Moscow 06. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ku dhawaaqay in haddii uu Maraykanku nidaamka gantaalaha THAAD ku rakibo Kuuriyada Koonfureed iyo Jabbaan ay dawladda Ruushku ku qasbanaan karto in iyaduna ay qaaddo tallaabo jawaab ah oo milateri si ay u ilaaliso isu dheellitirnaanta milateri ee iyaga iyo…

Read More

Heshiis la Yaab Leh Oo Markii Ugu Horeysay Dhexmaray Kooxaha Xisbullaah iyo Daacish

Lubnan 07. September 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Hezbollah ee taageerta ciidamada dowlada Siiriya iyo kooxda la dagaalameysa ee Daacish ayaa markii ugu horeysay isla gaaray heshiis xeer jajab ah. Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan xoogaga Daacish looga daadgureeyey xuduudda Syria iyo…

Read More

Qalab si Toos ah Looga arkayo Gudaha Uur Ku Jirta Bani aadamka oo la soo Saaray SAWIRO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Seynisyahano ayaa soo saaray qalab cusub oo kaamiro ah taasi oo lagu arki karo waxa ku jira gudaha jirka bini’daamka, waxaana loogu talogalay in loo isticmaalo sababo caafimaad. Kaamiradan ayaa waxaa lagu rakibay illeysyo iyo diirado sahlaya in la arko gudaha ubucda bini’aadamka. Wixii hadda ka horeeyay, shaqaalaha caafimaadka ayaa…

Read More

Gabadh Uur Leh Oo Ku Hanjabtay Inay Iska Soo Ridayso Ilmaha Caloosheeda ku Jira haddii aysan helin Arrin la Yaab Leh!!

Florida 07. September 2017 (SDN/QJ):- Dad badan ayaa la argagaxay aragtida haweeney xaamilo ah oo ku goodinaysa inay iska soo ridayso ilmaha uurkeeda ku jira haddii aysan helin like badan. Haweeneyda reer Florida oo isugu yeerta Saipanting barteeda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay leedahay uur afar bilood ah.   Maalintii Arbacada, waxay iska qaaday sawir ‘selfie’…

Read More

Maraykanka oo Doonaya In Waqooyiga Kuuriya Laga Qaado Talaabooyin aanay Abidkood ka soo Waaqsan!!

New York 07. September 2017 (SDN/QJ):- Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa ka hadashay shirkii New York ee lagaga arrinsanayey xiisada cusub ee ka soo kordhay gacanka kuuriya, waxa aanay carrabka ku adkaysay in waqooyiga Kuuriya aan loogu dulqaadan ficiladan ay ku kacayaan. Waxa ay sheegay inay naafoobeen dhammaan taalaabooyinkii dublamaasiyadeed, wakhtigu…

Read More

Dawlada Koloombiya ayaa sheegtay inay xabbad joojin ku meel gaadh ah la gaadhay jabhada mucaaradka ee ELN

Kolonbiya 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Kolonbiya ayaa Shaacisay inay Gaadheen Jab’hada dalkaasi ka dagaalanta ee Magaceeda loo soo Gaabiyo ELN heshiis Xabad Joojineed. Dhinacooda jabhada ELN ayaa xaqiijisay jiritaanka heshiiskaasi.  Waa xabbad joojintii ugu horaysay ee labada dhinac ay gaadhaan in badan muddo 50 sanno ah oo khilaaf ka taagnaa. Xabbad joojinta ayaa timid…

Read More

Ceel-Afweyn:Heshiis La Dhex Dhigay Beelo Colaaddoodu Raagtay, Deegaanno Ay Wada Yeelanayaan & Cadadka Magaha Loo Kala Xukumay DAAWO

Ceel Af-weyn 06. September 2017 (SDN/QJ):-Waxa Go’aamo laga soo saaray Shaqaaqo Dhowr jeer soo noqnoqotay oo ka dhacday Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, taasi oo u dhexeysay labada Beelood oo Walaalo ah. Wada-hadallo Nabadeed oo Guddi Golaha Guurtidu u diray halkaasi ay ka dhex wadeen Labada Beelood, ayaa aakhirkii waxa Shalay…

Read More

Ciidanka Booliska Somaliland oo Shalay Gacanta Ku dhigay Wiil 12 Jir ah Iyo Haweenay la Sheegay inay Xadaysay!!

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay wiil 12 jir ah oo bishii august horaanteedii ay qoyskoodu waayeen. Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Axmed Cabdi, ayay qoyskoodu hore u baafiyeen, ka dib markii ay waayeen. Hase yeeshee ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa shalay wiilkaas gacanta ku soo dhigay…

Read More

Marwo Faadumo Siciid oo Ka Hadashay Waxa ka Jira inay Ka Baxayso Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani & Eedo ay Soo Jeedisay DAAWO

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin la Taliyaha Gaarka ah ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C.raxmaan Cirro ayaa ka hadashay Warar Sheegaya inay ka baxayso Xisbiga Waddani. Marwo Faadumo Siciid Waxay eedayn Culus u Jeedisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay Sheegtay inay ku fashilantay wax ka…

Read More

Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye & Mas’uuliyiin Wehelisa oo Maanta Lagu Soo dhaweeyay Degmada Tog-Wajaale SAWIRO/DAAWO

Tog-wajaale 06. September 2017 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa taageero u muuqaal eeg mahrajaan ku soo dhaweeyey  wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi maanta oo socdaal ku maraya gobollada gableed ee dalka.   Weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo isugu jira masuuliyiin sarsare…

Read More

Siyaasi Cali Sandule oo Jawaab adag ka Bixiyey Hadal Quudhsi ah oo ka Soo Yeedhay Gudoomiyihiisa Xisbiga Kulmiye Iyo Garnaqsi uu Soo Bandhigay DAAWO

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Sandule Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland ayaa Jawaab ka bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay inuu Quudhsaday qaabkii beeshiisa loo Siiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha. “Waxaan Is Leeyahay Haddu…

Read More

Taliska Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Xadhiga Sheekh Aadan Sune,Kooxo Dab rid ku Samaynayay Deegaanka Uubaale Iyo Rasaas Xalay ka Dhacday Hargaysa DAAWO

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):-Taliska sare ee ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen taliskooda waxa ay kaga warbixiyeen xaalada wadaad ka tirsan culimada caasimada oo ay xalay ku soo qabteen hawlgal ay ciidanku sameeyeen, wadaadkaas oo ay ku eedaynayaan arimo ka dhan ah xasiloonida iyo deganaanshaha dalka.

Read More

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Markii Kowaad Shir Golaha Wasiiradu Yeesheen Kaga Hadashay Qadiyada ka Dhalatay Dhiibitaankii Qalbi dhagax ee Itoobiya

Muqdisho 06. September 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF. Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha…

Read More

Ciidanka RRU oo Xalay Gurigiisa kala Baxay Sheekh Aadan Sunne & Dhawaqa Rasaasta oo la Maqlayay

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Niskii danbe ee Xalay ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee loo yaqaano RRU ay xabsiga dhigeen Sheekh Aadan Sunne oo kamid ahaa Culumada Caanka ah. Ciidamada ayaa xalay u dhacay guri uu magaalada Hargeysa ka degnaa Shekh Aadan Sunne, waxaana ciidamada markii ay damceen in ay xidhaan wadaadka diidmo kala kulmeen…

Read More

‘’Faysal Cali Waraabe Wuxuu Yidhi Labadii Oday ee aan Mar La Tartamay ee Rayaale Iyo Siilaanyo Way baxeen ee Ha la iga war hayo Wuu Garamay saw Ma aha Aniguse Garami maayee Mid uun baan Sheegayaa..’’ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye DAAWO

Boorama 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu 40 Sano ka hor ka qallin Jebiyey Jaamacadda Camuud ee duleedka Magaaladda Boorama. Md. Muuse Biixi waxa uu ugu horrayn bahda aqoonyahanka ah u sharraxay sida uu Distoorka qaranku xilka…

Read More

‘’Reer Awdaloow Mar Sadexaad inaad I Ridaan Waa Idinku Ceeb ee ha I Ridina’’ Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Boorama 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ahna Murashaxa Jagada madaxweyne ee Xisbigaas oo ka qayb galay Munaasibad loo Sameeyay Dufcadii 16aad ee Ka Qallin Jebisa Jaamacada Camuud ee Boorama ayaa nasiib daro ku tilmaamay inuu indhihiisa ku arkay Geel u talaabaya dhanka dalka Jabuuti. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Kaftan Duur Xul…

Read More

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Balanqaaday inay Gidaar Ku Wareejinayaan Dhismaha Jaamacadda Camuud DAAWO

Boorama 05. September 2017 (SDN/QJ):- Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi oo ka qayb galay Xaflad loo sameeyay Dufcadii 16aad ee Ka qallin jebisa Jaamacadda Camuud oo ay ku lamaanayd 20 Guuradii ka soo wareegtay aasaaska Jaamacadda Camuud ayaa Balanqaaday inay Gidaar ku soo wareejinayaan dhismaha Jaamacadaasi. https://www.youtube.com/watch?v=7NlDJD5yMZ0

Read More