Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inaan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia la Furayn ilaa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Qabsoonto

New York 25. May 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa aaminsan inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi karin, ilaa ay doorashada Somaliland ee madaxtooyadu qabsoonto bisha November ee sannadkan, waxaanay doonayaan inay wada hadalada bilaabmaan dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Somaliland ka dhalan doonta doorashada November, ka dib. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya…

Read More

Baarlamaanka Somalia oo Madaxweyne Farmaajo Ka Dalbaday inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Saldhiga Mileteri ee Berbera

Muqdisho 25. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si rasimi ah uga gudbiyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysalwasaarahiisa inuu jawaab ka soo bixiyo heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo dalka Imaaradka Carabta ee la xidhiidha dekeda iyo madaarka magaalada Berbera. Waxa uu guddoomiyaha golaha shacabka ee dalka Somaliya…

Read More

Nin miino ku Xidhayey Xarunta Jaamacadda Multi-media oo Gacanta Lagu Dhigay

Nairobi 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Joseph Kamau Ngugi oo 26 jir ah kana soo jeeda Gobolka Embu. Ninkan ayaa waxay ku eedeeyeen Boolisku markii ay qabanayeen inuu gacmaha kula jiray miino uu ku xirayay Jaamacadda Multi-media ee Magaalada Nairobi. Ciidamadii miino baarka ayaa dibeda…

Read More

Al-shabaab Oo Sheegatay Qarax Xalay Ka Dhacay Duleedka Dekedda Muqdisho Iyo DAACISH Oo Soo Bandhigtay Nin Boosaaso Isku Qarxiyey

Muqdisho, 25 Meey, 2017-(SDN/QJ): – Qarax xooggan, ayaa gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay maqaaxi ku taala ka soo horjeedka Dekedda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya. General Axmed Xasan Maalin, oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen qaraxaasii, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen….

Read More

‘’Ninkaas Waxa lagaga Cabanayo ayaan La Yaabay ee la Leeyahay Gaalo ayaad Hablihiina Siisaan anagana Diin naguma Siinaysaan,Waxaan Weydiin Lahaa Ma Waxay Diintu Idiin Xalaalaysay…’’ Oday Xasan Cabdi Khayre oo Beelaha Gabooye Fariin u diray DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baraha Bulshadu ku wada xidhiidho si aad ah looga doodayaa qadiyad ka dhalatay Gabadh Sheegtay in Waalidkeed u diideen nin ay Calmatay oo ka soo Jeeda Beesha Gabooye oo ay si qarsoodi ah isugu mehersanaayeen Mudo 3 Bilood gaadhaysa. Oday Xasan Cabdi Khayre oo ay ehelo yihiin odayga dhalay…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo 15 Jirsaday & Gudoomiye Muuse Biixi oo Tooshka Ku Ifiyey Marxaladihii uu Soo Maray (Mucaarid Iyo Muxaafid) Iyo Higsigiisu Halka uu Ku Jihaysan Yahay DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maalintii Shalay Xusay 15 Guurada ka soo Wareegtay Aasaaskii Xisbiga Kulmiye oo ku astaysan 23-kii Bishii May Sannadkii 2002-dii. Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ururinta afkaarta bulshada reer Somaliland muhiimad weyn u leedahay…

Read More

“Arrintani Waxay Ahayd Go’aan Madaxweynuhu Uu Soo Saaray, Isagoo Ka Duulaya Ummaddan iyo Qarankan Uu Odayga U Yahay In Fursadaha Shaqo Loo Qaybiyo” Wasiirka Madaxtooyada JSL DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa, dhalinyaro ka kooban soddon shaqaale cusub oo ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka qaaday in ka badan laba boqol oo shaqaale ah, kuwaasi oo ay ka soo baxeen (30)…

Read More

Odayaal iyo Wax-garad Si Adag u Cambaareeyey Xukunkii Ku Dhacay Siyaasiyiinta WADDANI DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Odayaasha iyo wax-garadka ay isku heybta yihiin siyaasi Yoonis Axmed Yoonis oo dhawaana ay Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay muddo hal sanno ah, ayaa ay si adag uga cambaareeyeen xadhigiisa, waxaana ay ku sifeeyeen in xadhigaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo dano gaar ah laga lahaa. https://www.youtube.com/watch?v=bgf7GtH-1QA

Read More

Warbixin Laga Diyaariyey Sida ay Maanta Yihiin Daarihii Dhaadheeraa Ee Mataanaha Ahaa Ee Ganacsiga Adduunka ee Weerarkii September 11 2001 DAAWO

New York 24. May 2017 (SDN/QJ):- Bishii September Sannadkii 2001-dii Waxay Maraykanka iyo Dunnida inteeda Kaleba Ku Xasuustaan Markii Diyaaradaha Lagu Burburiyey Labadii Daarood ee Mataanaha ahaa ee Ganacsiga adduunka ee Magaaladda New York. Hadaba 16 Sanno kadib Waa Sidee Muuqaalka Guud ee Goobihii ay ka dhisnaayeen Labadaasi Daarood. https://www.youtube.com/watch?v=CINATpmlh7k

Read More

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Markii ugu Horeysay ka Hadashay sheekh Duleedka Hargaysa Kumanaan qof ku Dabiibaya DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay aad looga dareemayaa Caasimadda Hargaysa gaar ahaan Xaafada Masalaha Saxmad badan oo ka dhalatay Kadib Markii Goob uu Dayr ku wareegsan yahay uu Sheekh reer Boosaaso ah ka Furay Xarun dadka Lagaga Dabiibo Jinka,Sixirka iyo Isha ,iyadoo dadweyne aad u tiro badani ay isaga…

Read More

Xarunta Xuquul-Insaanka Oo Cambaaraysay Xadhiga Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):-  Taariikhdu Markay ahayd 21 May 2017 waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay sanad ku xukuntay Yoonis Axmed Yoonis oo ah Xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani. Waxa maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inuu dadka ku kiciyay inay sharciga ka horyimaadeen mar uu ka hadlay shir jaraa’id oo la qabtay 11…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Habeen Hore Ku Dhintay Roobkii Ka Da’ay Gobolka Togdheer Farriina U Diray Shacabka Somaliland

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Roob dabaylo iyo calaydh xoogan watay oo habeen hore ka da’ay magaalada Burco iyo deegaano hoos yimaada isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Tirada dadka khasaaraha roobkaasi gaystay ku dhintay ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin Afar qof,kuwaas oo qaarkood uu kusoo dumay…

Read More

Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho Oo Lagu Soo Kordhiyey Qalab Fududeynaya Inuu Habeenkii Shaqeeyo

Muqdisho 24. May 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku wareejisay dowlada Somalia qalab suuragelinaya in garoonku uu habeenkii shaqeeyo. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in qalabkan ay soo iibsatay dowlada Somalia ayna ujeedada laga leeyahay tahay in habeenkii garoonku shaqo…

Read More