|

Ceerigaabo: Rabshado Sababay In Dib Loo Dhigo Imtixaan Laga Qaadi Lahaa Shaqaalaha Diiwaangelinta Gobolka Sanaag iyo Ciddii imtixaanka Qaadi lahayd oo La Garan La’yahay

Ceerigaabo:May,06,2014 (SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay Baaqday  Imtixaankii Laga qaadi lahaa Shaqaalaha Loogu Talo galay Inay Ka Hawlgalaan Diiwaangelinta Shacabka Gobolka Sanaag, kaas oo qorshuhu ahaa in lagu qaado  xarunta Jaamacadda Sanaag.

rabsiSababaha Imtixaanka Dib loogu dhigay ayaa lagu sheegay Warar suuqa soo galay oo sheegay in Imtixaanku galay gacanta dad dawladda u shaqeeya, kuwaas oo iyaguna sii gaadhsiiyey Dad gaar ah oo ay danaynayaan.

Wararka ka imanaya Magaalada Ceeigaabo, ayaa sheegaya Warka Imtixaanka Suuqa Galay sheegayaa uu Rabshad iyo isku dhaga ka abuuray Xarunta Jaamacadda Sanaag University oo lagu Ballansanaa in Imtixaanka Saaka lagu qaado, waxana Dhallinyaradii Goobtaas iskugu timi ka gadoodeen Wararka la xidhiidha imtixaanka Dibadda u soo Baxay.

Ciidanka Booliska oo Halkaas joogay ayaa isku  dayey inay ka hortagaan Rabshadda Bilaabantay, waxana ay ciidanku isku dayeen inay Xidhaan Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Ceerigaabo oo isagu Halkaas ku sugnaa.

Shacabkii Goobta ka dhawaa iyo Dhallinyaradii Gadoodsanayd ayaa ka sii kacay Tallaabadii ay ciidanka Boolisku ku doonayeen inay Xildhibaanka ku qabtaan, waxana halkaas ka dhacay isku dhac dhexmaray Ciidanka iyo Dhallinyaro Goobtaas Joogta, iyadoo Rasaas  loo isticmaalay daminta Xaalada Kacday.

Wararka aanu ka Helayno Ceerigaabo ayaa sheegaya in Halkaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid Dhallinyaradii Imtixaanka Soo Doonatay, iyadoo ay taasi sababtay in  qorshihii imtixaanku isbeddelo oo uu Baaqdo dibna u dhaco imtixaanku.

Masuuliyiinta Iyagu Gacanta ku Haya Imtixaanka ayaan ka hadliin Tallaabada ay dib ugu dhigeen Xilliga  imtixaanka ee dib loo dhigay, walina ma ay sheegin xilliga rasmiga ah ee la qaadi doono Imtixaanka.

 Wararka qaar ayaa sheegaya in isuduwayaal ay qaadi doonaan Imtixaanka, halka warar kalena sheegayaan in imtixaanku uu gacanta u galay Xubno ka tirsan Dawladda, kuwaas oo dad gaar ah gaadhsiiyey Qaabka imtixaanku u imanayo, iyadoo shaki laga muujinayo Awoodda ay leeyihiin masuuliyiinta Jaamacadaha oo iyagu lagu ballansanaa inay imtixaanka qaadaan.

Ugu dambayntii waxa Goobta iskaga Dareeray Ardaydii Doonaysay inay Imtixaanka Galaan, iyadoo aan loo sheegin wakhti go’an oo ay u soo diyaargarobaan Imtixaanka loo Ballanqaaday si ay calafkooda uga qaadaan Xubnaha shaqaalaha ah eek u soo bixi doona Liiskaas.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed