|

China oo u gacan haadineysa Axsaabta Mucaaridka Somaliland iyo suurtogalnimada in ay Beijing ka degaan

London (QJ) – Warar aanu ka helnay ilo wareedyo ku dhaw Axsaabta Mucaaridka Somaliand ee Wadani iyo UCID ayaa sheegaya in China oo ka careysan heshiiska Xukuumada Muuse Biixi  iyo Taiwan ay martiqaad u fidiyeen madaxda labada Xisbi Qaran ee Somaliland.

Labada Xisbi Qaran oo aad uga careysan habdhaqanka shuruucda dalka baal marsan ee Madaxweyne Biixi dalka ku maamulayo ayaa la sheegay in aaney haatan dhulka waxba ka ool.

Axsaabta Mucaaridka ayaa la sheegay in ay maalmihii u danbeeyay ka arinsanayeen waxa ay ka yeelayaan xiriirka China la soo sameysay iyo waxa uu siyaasada dalka uga dhigan yahay.

Ilo wareedyada ayaa intaa raaciyay in xubno sar sare oo Axsaabta ka mid ihi hoosta ka xariiqayaan in Madaxweyne Biixi tilaabadan in ay qaadaan ku khasbay, isla markaana ay tahay mid lagu xakameyn karayo damaciisa burburinta dastuurka dalka iyo in loo baahan yahay in China oo ah dalka labaad ee dunida ugu weyn lagu doorsan dal aan ictiraaf qudhiisu heysan.

Sidoo kale, Taiwan ayaa lagu eedeynayaa in xiriirka ay Somaliland la leedahay aanu aheyn mid waafi oo ku kooban uun Shakhsiyaad madaxweynaha ka agdhow, isla markaana ay iyagu maamulaan mashaariicda la sheegay in Taiwan dalka ka fulineyso.

Dhawaan ayay aheyd kolkii Musharaxa xilka Madaxweyne ee xisbiga Wadani Dr. Cabdiraxman Ciro uu sheegay in dib loo eego xiriirka Somaliland la leedahay Taiwan oo ah dal aan la ictiraafsanaeyn.

Xukuumada Somaliland oo aan ilaa hatan ka falcelin dalbka China u fidiyay Axsaabta mucaaridka ayaa la sheegay in ay muujisay debecsanaan ku wejahan kala horeynta doorashooyinka dalka.

China ayaa todobaadkan ku celisay eed ay ujeedisay Taiwan iyo Somaliland, ka dib kolkii halkaa ay gaareen wefdi wasiiro ah oo ka socda xukuumada Somaliland.

Dadka dersa xiriirka caalimega ayaa sheegay in Somaliland oo cadaw ka dhigata dalka labaad ee dunida ugu awooda balaaran oo isla markaana saameynta ugu balaaran ku leh geeska Africa ay ka dhigan tahay ismiidaamin siyaasadeed.

Comments are closed