|

Dirir Qadhaadh oo Maanta Mar kale ka soo Istaadhantay Deegaanka Kalshaale

Buuhoodle:Feb,27,2015(SDN/QJ)-Dagaal qadhaadh oo aan waxba la isula hadhin, ayaa Maanta ka bilaabmay Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle, waxana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

DAGAAL-BEEL-OKWararka aanu ka Helayno Deegaankaas, ayaa sheegay in Dagaalku ka bilaabmay Muran dhinaca dhul-daaqsimeedka ah oo dhex yaalla Laba beelood ee kala dega deegaanada Qorilugud iyo Buuhoodle.

Dhimashada ilaa Shan qof oo kasoo jeeda Deegaanka Qorilugud, ayaa la sheegayaa inay dhinteen, halka dhinaca kalena la sheegayo in dhimashadoodu gaadhayso ilaa iyo Afar qof, iyadoo dhaawacuna tiro badan yahay.

Dhaawacyada iyo Meydadka, ayaa loo kala qaaday Deegaanada Buuhoodle iyo Qorilugud, waxana socda Gurmad labada dhinac isweydaarsanayaan, iyadoo gabalku iskugu dhacay galabta makhribkii.

Deegaanka Dagaalku ka dhacay ayaa in muddo ahba wax aka taagnaa Muran dhinaca dhulka ah, waxana laba beelood oo halkaas deggeni ku muransan yihiin lahaanshaha dhulkaas, iyadoo dagaal hore halkaas uga dhacayna ay ka dhasheen dhimasho dad badan oo shacab ahi.

Comments are closed