Uncategorized

Diyaaraddii Ugu Horraysay Ee Adeegsanaysa Tamarta Qorraxda Oo Ka Duushay Imaaraadka Carabta Iyo Faahfaahinta Awoodda Diyaaraddan

Abu Dhabai:Mar,09,2015(SDN/QJ)-Diyaar Nooceedu ku cusub yahay Caalamka, isla-markaana ku shaqaynayso Tamarta Cadceedda, ayaa ka duushay Garoon ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga, iyadoo diyaaraddanna lagu magacaabo  Solar Impulse-2.

solrDiyaarada oo leh hal kursi oo keliya ayaa baalasheeda waxa ugu xidhan qalab u soo jiidaya cadceeda qorraxda, qalabkaas waxa la sheegay in uu la dhanyahay baalasha diyaarada nooca Jymbo Jet.

Shanta bilood ee soo socota, diyaarada ayaa la filayaa in ay isaga gooshto qaaraddaha adduunka, ayna dul marto labadda badweyn ee Pacific-ga iyo Atlantic-ga.

Duulimaadkan tijaabadda ah ayaa waxaa diyaaraddan oo leh hal kursi duulin doona, laba nin oo u dhalatay dalka Switzerland oo la kala yidhaahdo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg.

Inta ay ku jiraan safarkooda, waxa ay ku degi doonaan dalal kala duwan, iyaga oo gudbin doona fariin ku aaddan isticmaalka tiknoolajida nadiifka ah ee aan deegaanka waxyeeleyneyn.

Diyaarad noocan oo kale ah oo la yidhaahdo Solar Impulse-1, ayaa sanadkii 2013-kii si wanaagsan ugu dul duushay dalka Mareykanka oo dhan.

Balse madaama diyaaradda laga doonayo in ay dunida oo dhan dul marto, ayaa waxaa loo dhisay qaab ka duwan tii hore, iyada oo la ballaadhiyay.

Diyaaraddan cusub ayaa leh baalal ballacooddu gaadhayo 72 mitir, halka culeyskeeduna dhanyahay 2.3 tan, kaasoo in badan ka fudud diyaaradaha caadiga ah.

Sidoo kale, baalasha diyaaradda ayaa waxaa saaran in badan 17,000 oo ah unugaha keydiya ileyska qoraxda, waxaana ay leedahay bateri khaas ah oo u sahlaya in ay habeenkii duusho.

Duuliyaha diyaaradda ayaa looga baahan yahay in uu feejignaado oo uu si wanaagsan u duuliyo.

Haddii ay dhacdo in diyaaradda ay ku dul duusho baddaha Pacific-ga ama Atlantic-ga, waxa ay labada nin isticmaali karaan qalab diyaaradda saaran, kaasoo ay ku dabbaalan karaan ilaa iyo inta laga badbaadinayo.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com