|

Fanaanadii Kooxda Iftin Maryan Cali Muudey oo London ku Geeriyootay

London June 28,2013(SDN)-Waxa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday fanaanadii Soomaaliyeed ee codka tolmooneyd kana midka aheyd kooxdii Iftin ee Maryan Cali Muudey.

Fanaanada ayaa maalmahan caafimaadkeeda lagula tacaalayay cusbitaal ku yaal magaalada London.

Fanaanada oo ku jirtay xaalad miyir doorsoona ayaa xalay ku geeriyootay cubitaalkii ay ku jirtay.

Fanaanada ayaa allaha u naxariistee ka mid aheyd kooxdii wasaarada waxbarashada ee Iftin.

Waxaana ay Caan ku aheyd heestii Alif Lakordhabay oo si weynloogu adeegsan jiray baraarujinta Tacliinta.

Hadaanu nahay Bahda Qurbejoog.com waxaanu eebe SWT uga baryeynaa in uu marxuumada janadii fardoosa ka waraabiyo.

Ehelkii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee ay ka baxdayna samir iyo Iimaan eebe ka siiyo,Aamiin.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed