|

Imaatinka Abey Axmed ee Hargeysa oo shaki la geliyay

Addis Ababa January 15, 2024 (QJ) – Wararka aanu ka heyleyno ilo wareedyo ka agdhow xafiiska Raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Abey Axmed aanu imaneyn Hargeysa, sida HEEGO laga soo xigtay.

Madaxtooyada Somaliland ayaa ku guuldareysatay in Abey ay keenaan Hargeysa maalinimada sabtida xili heshiiskii ay la galeen Abey Axmed culeys weyn uu ka soo wejahay caalamka.

HEEGO ayaa maanta sheegtay in masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumada Abey Axmed iyo ciidamada Itoobiya ay horudhac Hargeysa u soo gaarayaan.

Lama xaqiijinkaro in Raiisul Wasaaraha Itoobiya imanayo Hargeysa iyo in kale, balse masuuliyiinta Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba u baahan dhaqangelinta heshiiskooda si ay mudo ugu sii raagaan xilalka ay hayaan.

Dawlada Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida Soomalaiya, loona baahan yahay in la ixtiraamo.

Si kastaba ha ahaatee, bishan 18keeda ayaa lagu wadaa in madaxda dalalka ku bahoobey urur goboleedka IGAD ay kulan ku yeeshaan dalka Ugaandha isla markaana ay ka wada hadlaan xiisadan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Comments are closed