|

Itoobiya oo meelmarineysa Heshiiskii badda ee ay Somaliland la gashay

– Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal la geli doonin Soomaaliya, isagoo muujiyaydoonayaan ixtiraam iyo iskaashi. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya, si lamid ah ummadaha kale.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa aan looga shakin karin in ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo inkale, waa sida uu hadalka u dhigaye. Abiy Axmed ayaa sheegay in tobankii sano ee u dambeeyay ay Itoobiya ku weyday kumanaan askari oo nabad u raadinaya Soomaaliya – mana jiro dal kale oo naf hurnimadaas sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidaa ka sheegay shir afar maalmood socday oo Addis Ababa uu kula yeeshay xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Qaraar ay guddidu dhexe ee xisbiga Barwaaqo maanta soo saartay oo lagu baahiyey warbaahinta Itoobiya, ayaa lagu sheegay in guddiga dhexe isla garteen in heshiiskii dawladda Itoobiya iyo Somaliland ee muranka badan dhaliyey bilowgii bishan loo beddelo “ heshiis wax ku ool ah”, oo ku salaysan mabaadi’da wax-iswaydaarsiga dalalka deriska ah.

War-murtiyeedka kasoo baxay guddigan ayaan lagu cadeyn in Itoobiya ay wada hadal la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo in kale, balse waxaa la sheegay in heshiiskaasi uu marag u yahay mowqifka Itoobiya ee horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo isdhexgalka iyo xiriirka dhaqanka.

Geesta kale, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ma soo hadal qaadin heshiiska ay ka cadhootay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ay Itoobiya 1-dii bishan la gashay Somaliland, kaas oo Itoobiya siisay 20 KM oo ah Xeebta Badda Cas, beddelkeedana ay Somaliland hesho aqoonsi.

Comments are closed