|

Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Axmed Cabdi Xaabsade Oo Ka Hadlay Dagaalka Dharkayngeenyo

Garowe 14,June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul-goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiweli Gas iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay dagaal ku dhex-maray labada beelood ee walaalaha ah deegaanka dharkayngeeyo ee Gobolka Sool, isla markaana waxaty ku baaqeen inay labada dhinac ba joojiyaan dagaalka oo ay qaatan nabada.s

download (1)Cabdiweli Gas oo warbaahinta Puntland kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ugu baaqay Isimada dhulbahante inay siweyn uga qayb qataan, sidii nabad looga dhex dhalin lahaa labada beelood waxaanuu yidhi,“Isimadda dhulbahante waxaan ku boorinayaa waa inay ku guntadaan sidii colaada beelaha dharkayngeenyo ku dagaalamaya loo joojin lahaa. Hadda wixii dhacay way dhaceen, laakiin yaaney wax dambe dhicin oo aanu dad dambe dhiman. Waxaan rajenayaa in colaadaasi soo afjaranto.”

Axmed Cabdi Xaabsade oo isna ka hadlay dagaalka labada beelood ku dhex-maray deegaanka dharkayngeeyo waxaanuu yidhi,“Dadka degan deegaanka Dharkayngeeyo ee Gobolka Sool, waxaanu leenahay dadkaas dagaalamaaya waa dad wada dhashay. Waa wiil iyo abtigii waa isku xero abaalahana isku meel ayaa lagu wada asaa. Wax kasta oo dhaca waa la heshiinayaa, markaa intaa ku joojiya oo aan mar dambe dagaal dhicin. Waa bil ramadaan ee illahay ka baqa.”

Comments are closed