|

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo Nairobi ku geeriyooday

Nairobi Jan 22,2013(SDN)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland Md Xasan Daahir Afqurac ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday cisbitaal ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kiinya.

Marxuumka ayaa mudo dhawr bilooda yiilay cusbitaalka inkasta oo ehelkiisu aaney sharaxaad ka bixin nooca xanuunka lagu sababay.

Marxuum Xasan Daahir Afqurac ayaa hore u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda ee dalka Soomaliya.

Marxuumku intaanu noqon madaxweyne ku-xigeenka waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka maamul goboleedka Puntland.

Dawladii Gen Cade Muuse ayuu marxuumku ka ahaa madaxweyne ku-xigeen mudo shan sanadood ah.

Marxuumka iyo qoyska uu ka soo jeedo ayaa si weyn magac ugu leh gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo oo ay ka soo jeedaan.

Eebe naxariistiisii jano haka waraabiyee Xasan Daahir ayaa lagu sifeyn jiray in uu ahaa ruux afgaaban oo dabci wanaagsan leh.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed