|

Madaxweyne Siilaanyo oo Awr boogays u Magacaabay Degmo ka Tirsan Gobolka Sanaag

Hargaysa 01.Oct 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2096/102013 uu degmo ugu magacaabay Awr- boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                              Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay:                              Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

Markuu Tix-geliyey:                     Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

Markuu Tix-geliyey:                     Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

Markuu Dhegeystay:       Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed