|

Melishiyo beeleedka Muuse u diray Gacan Libaax iyo kuwa degaanka oo aan waxba isku jirin

Hargeysa January 26, 2024 (QJ) – Sida ay no xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhow madaxtooyada Somaliland, ciidamada dhawaan lageeyay degaanka Goda weyn ayaa waxa ay u badan yihiin ardaaga Muuse Biixi.

Taliyaha ciidamadan madaniga ah ayaa ilaa ku dhawaad 90% kiiba ayaa la sheegay in laga daabulay aradaaga Muuse Biixi ee Saaxil dega.

Wararku waxa ayse sheegayaan in Buurta Gacan Libaax aaney ciidamadani aqoon u leheyn isla markaana durba ay soo wejeheen caqabado kala duwan.

Buurta Gacan Libaax qeybo kale oo ka mid ah ayaa waxa ku sugan ciidan beeleed degaanka ah oo aad u hubeysan, waxaana dhici karta in iska horimaad dhici karo daqiiqad walba.

Sidoo kele, waxaa fudud in ciidamada beesha Muuse Biixi ee meesha lageeyay halkaa lagu godoomiyo deetana la midh-midheysto, tabtii Goojacade oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada halkaa la geeyay ayaa laga deyrinayaa bedqabkooda, waxaaney u muuqataa in ay soo dedejineyso burburka xukuumada Muuse Biixi ee lugta qura mudada ku taagneyd.

Comments are closed