Uncategorized

Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Muhiimadda Uu Qaranka u Lahaa Mudane Baarlamaanka Somaliland ka Geeriyooday

Hargeysa:Mar,09,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay Muhiimadda u lahaa MUdane Xariir Siciid Bullaale oo kamid ahaa Golaha Wakiillada, kuna Geeriyooday Hargeysa.

xariirAllah ha u naxariistee, Marxuumka ayaa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo uu xanuun u jiifay dhawaanahan, waxaana Isniinta Maanta hadii Illaahay yidhaahdo lagu aasi doonaa Xabaalaha Naasa-hablood ee Duleedka Bari-Waqooyi ee Hargeysa.

War-Saxaafadeedyo ka soo kala baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa iyo Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, ayaa xalay soo gaadhay Qurbejoog.com, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi kaga hadleen geerida Marxuumka, iyagoo Illaahay uga beryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo Marxuumka, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Shacabka, Golayaasha Baarlamaanka ee Wakiillada iyo Guurtida Somaliland.

Qoraalka War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa  maanta, 08/03/2015

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

 

Sidoo kale, Qoraalka War-Saxaafadeedka ka soo baxay xarunta dhexe ee Xibil-xaakimka KULMIYE oo nasoo gaadhay xalay, ayaa u dhignaa sidatan:- “Ujeeddo; TACSI:

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka Xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Golaha Wakiillada JSL iyo dhammaan Shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan, Xariir Siciid Bulaale, wuxuu Marxuumku qayb libaax ka soo qaatay Nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

Guddoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu u naxariisto, dhammaanteena samir iyo iiman innaga siiyo. Aammin Aammin Aammin.

 

 

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com