|

Puntland oo ka digtay kalataga Soomaaliya

Garoowe April 11, 2024 (QJ) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in wax ka bedelka dastuurka ay fududeynayaan in laga gudbo kala fogaanshaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor waxa uu tilmaamay in haddii Soomaalidu ay kala go’do uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaligii qaadi doono mas’uuliyadda.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Puntland ay ku dhawaaqday inay ka go’day nidaamka federaalka, kaddib markii ay horay uga soo horjeestay wax ka bedelka dastuurka federaalka.

Maalmo ka dib, maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu wafdi u diro dalka Itoobiya, si ay uga wada-hadlaan wada-shaqeyn dhexmarta Itoobiya iyo maamul-goboleedka Puntland oo ku aaddan arrimaha ammaanka gobolka.

Sidoo kale, Puntland ayaa ka soo horjeesatay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xirtay qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday in khilaaf kasta oo yimaada uusan noqon mid horseeda khilaaf, isla markaana aan laga baqin wadahadal. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in isbedel kasta oo dastuuri ah loo sameeyo si sharci ah.

Leave a Reply