|

Puntland oo sii wada xiriir ay la yeelanayso Itoobiya

Addis Ababa April 06, 2024 (QJ) -Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Duulista Hawada Puntland Abdullahi Bille ayaa la kulmay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Itoobiya Getachew Mengistie iyo Madaxa Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya Mesfin. Tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sare u qaadida xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe, iyo sidoo kale hagaajinta isku xirka socdaalka Itoobiya iyo Boosaaso iyo Garoowe, iyadoo la qorsheynayo in la ballaariyo adeegyada socdaalka duyuuradaha Itoobiya .

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay xiriirkii ay la lahayd Itoobiya, isla markaana dalkeeda ka eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa dhawaan hakisay xiriirkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka, taasoo ay si weyn uga soo horjeesatay.

Leave a Reply