|

Shirka maareynta Hubka oo muqdisho ka furmay

Muqdisho May 07, 2024 (QJ) -Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo maareynta Hubka Qaranka, kaasoo socon doona muddo labo maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa daah furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga C/fitaax Qaasim oo sheegay in shirkan uu ku soo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka iyo dagaalka ay kula jirto AS.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, wakiilo ka socda beesha caalamka, kuwaasoo ka wada hadli doona maamulka hubka Soomaaliya, xili dowladdu ay dooneyso inay soo iibsato hub culus.

Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo bixi doonaan, taasoo faa’iido u leh dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu u mahad-celiyay dowladihii gacan ka geystay qaadista xayiraadda hubka, sida Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Turkiga, iyo Midowga Yurub.

Shirkan ayaa ah kii ugu balaarnaa ee la qabto tan iyo markii ay Soomaaliya laga rogay cunaqabateyntii hubka bishii December ee sanadkii hore ee 2023-ka.

Leave a Reply