|

SODMA oo digniino hor leh soo saartay

Muqdisho -Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino horudhac ah oo muujinaya in qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhici karaan fatahaado sababay barakac iyo burbur.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka maalmood ee soo socda oo ku beegan 7-da ilaa 16-ka May ee sanadka 2024-ka ay suuragal tahay in fatahaado xooggan ay ka dhacaan dalka, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Gedo, Jubaland iyo Shabeellaha Hoose, kuwaasoo saameyn weyn ku yeelan kara nolosha dadka deggan gobolladaas.

“Tobanka maalmood ee soo socda 7-da ilaa 16-ka May 2024 waxaa la filayaa in ay keenaan fatahaado xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadda wabiga oo si xowli ah u socda, kuwaas oo saameeyay qaar ka mid ah degmooyinka dalka sida Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Buula-burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad, iyo deegaanada kale ee webigu maro,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay SODMA.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa ku boorisay dadka ku nool gobollada iyo magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday inay ka digtoonaadaan oo ay u diyaar garoobaan fatahaad iyo barakac, maadaama fatahaadahaasi ay geysan karaan khasaare ballaaran oo ay sii kordhiyaan caqabadaha jira.

Digniintan saddexaad ee ay soo saartay hay’adda SODMA ayaa muujineysa khatarta sii kordheysa, gaar ahaan iyadoo ay sii kordhayaan fatahaadda webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Leave a Reply