|

Wakiilka Muuse Biixi ee Taiwan oo Canada u yimi in uu dhalinyaro ay isku reer yihiin siiyo fursado waxbarasho

Toronto March 10, 2024 (QJ) – Waxa booqasho aan rasmi aheyn mudo dhawr maalmood ah ku jooga dalka Canada Wakiilka Muuse Biixi ee dalka Taiwan Maxamed Haaji.

Wakiilka oo ay Canada ku soo dhaweeyeen dad sheegay in ay ilmo-adeeradii yihiin ayaa isna sheegay in uu Canada u yimi arin shaqsiyadeed.

Maxamed Xaaji ayaa waxa isku deyey in ay Canada ku soo dhaweeyaan madaxda iyo jaliyada Somaliland, balse waxa ay noo sheegeen in uu ka doorbiday la kulanka dad ay isku reer yihiin.

Jaaliyada Somaliland ee Canada ayaa madaxdoodu noo sheegtay in ay xaflad soo dhaweyn ah u abaabuleen Wakiilka balse uu saacadii u danbeysay ku wargeliyay in uu kulan gaar ah la yeelanayo beeshiisa.

Kulamada uu Wakiilku la yeelanayo beeshiisa ayaa naloo xaqiijiyay in ay salka ku hayaan deeq waxbarasho oo Taiwan ay u fidisay dhalinta reer Somaliland, isla markaana haatan kooto loogu xirayo beesha Wakiilka ee ku nool dalalka Mareykanka, Canada iyo UK.

Sida Madaxda Jaaliyadu noo sheegtay, Wakiilka ayaa culeys kala kulmay weecinta deeqaha ee Guddaha dalka, haatana la isku deyeyo in deeqaha laga bixiyo dalka dibediisa.

Fursadaha waxbarasho ee haatan Taiwan bixisay ee dhalinta loo baadigoobayo ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaa 50.

Geesta Kale Jaaliya SSC-Khaatumo oo ka warheshay in Wakiilka Muuse Biixi ee Taiwan uu Toronto yimi ayaa abaabul ay uga hortagayaan ka bilaabay Toronto.

Jaaliyada SSC-Khaatumo oo ah mid aad u firfircoon ayaa xiriir la leh qaar ka mid ah madaxda siyaasada dalka waxaana ay dacwad ka dhan ah Wakiilka u gudiyeen laanta socdaalka Canada.

 

 

Comments are closed