Uncategorized

Wasiir Waran-cadde Oo Magacaabay Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Hargeysa:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Magacaabay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, kadib markii xoghayihii hore dhawaan looo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland.

mooxMudane Waran-cadde, ayaa Xilkaas u magacaabay  Muwaadin magaciisa la yidhaahdo Ibraahin Axmed Raabbi, waxana uu Maayarka caasimadda Faray inuu si degdeg ah xilkaas ugu kala wareejiyo labada Masuul.

Qoraal uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde caawa soo saaray oo uu ku socodsiiyey Masuulka la magacaabay iyo Maayerka Caasimadda, isla markaana ogeysiin ka siiyey Madaxweynaha, Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha iyo Waaxyaha ay khusayso ee dawladda hoose iyo arrimaha gudaha, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com.

Waxaanu Qoraalka Wasiir Waran-cadde magacaabista ku sameeyey u qornaa sidatan:- “Waxaan idinla socodsiinayaa in Ibraahim Axmed Raabi Liibaan loo soo magacaabay Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 10/3/2015.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka waxa la farayaa inuu xilka u kala wareejiyo Xoghayah Cusub ee loo soo magacaabay iyo Xoghayihii hore ee Dawlada Hoose,isla markaana waxa la farayaa xoghaya Cusub in uu xilka loo soo magacaabay si hufan u guto.”

Sidaa ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku yidhi qoraalka uu ku magacaabay Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, ka dib markii uu dhawaan Xoghayhii hore Mawliid Waris Cabdillaahi Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com