Arrimaha diinta kahadal kooda iyo faaleyn tooda dad baa uyaqaan wax xaaran ah , balse waa qeyb kamid ah cilmiyada labarto oo takhasus gaar ahna laga gaadho. Maanta qormadaynan waxay ugacan haadinaysa diimaha caalam ka ee aad ka usoo karayo.
1. Islam
Islam macnaheedu waa “ adeecida ilaahey” waa diinta dad ka haystaan aaminsanyihiin In ilaah keliya jiro ( monotheistic religion). Dad ka islam ka raacsan waxa loo yaqaan muslimiin, waxa aaminsan in kabadan 2 billion qof, waa diinta keliyaata ee aad ukoraysa xilyada dambe sanad kasta in kabadan 15,000 qof ayaa soo muslima, isku cel-celis ahaan waxa adduun yada aamisan in kabadan 28.1%.
Muslimiintu Uma aaminsana in nebi mohammed yahay nebi keenay diin cusub laakiin wuxuu sii ambaqaaday diinti ay katageen nebiyadii muuse, ciise, Abraham.
Muslim ku waa kuwo aaminsan in quraan ku yahay waxyi ( reveal) ka lagu soo dejiyay nebi Mohammed. marka muslim layidhaahdo dad badan baa isweydiinaya ilaahey maxay ka aamisnanyihiin laakin alle quraankiisa ayuu inoogu sheegay suurada ikhlaas “ waxaad dhehdaa ( nabiyow eebe waa kaliya wehel na uma baahn,waana sayid deeqtoon, Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin, wax lamid ahna majiro”.
Qof ka muslim ka waxa ku waajib ah inuu sameeyo shantan :- salaada, soonka, xajka, sadaqada iyo sadaqada , diinta muslim ka waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah sunni iyo shiico, 85% waa muslimiin sunni halka 15% ay yihiin muslimiin sunni ah, Muslimiin ta shiicada ahi waa kuwo nool wadamada turkiga, ciraaq,iran IWM.
Wey yartahay inta kabaxda diinta islaam ka marka loo eego wakhti xaadirkan, waana diinta keliya ee caalam ka dagaal lagu lajiro sidii loo wiiqi lahaa.
Waa diin qof kii kabaxa aanay macquul ahayn inuu sii noolaado sababtoo dadkii uu katagay ayaanu kabad-baadayna ama qof kalaa dilaya si uu janada ugu galo.
2. Buddhism
Buddhism waa diin asalkeeda hindiya ka timid, oo uu keenay nin layidhaahdo Buddha, ay haystaan hindida iyo eyshiyaanka qaarkood, Diinta buddhism waxa la aas-aasay 2,500 sanadood kahor.
Buddhism waxa kale loo yaqaan Buddha Dharma ama Dhamma, macno ahaan waa “ wax barista dad ka soo jeeda” teachings of the awakened one.
Waxay aaminsanyihiin in aan ilaahay jirin, waxay nolosha ka aaminsanyihiin “ bili,aadam ku wuu dhibanyihiin, sababto ah waxaynu galna dadaal aad u adag oo nolosha ah misena gabe-gabidii ay dhamaanayaan inakoo farxad waarta helin.
Waxay aaminsanyihiin hab qofku maskaxdiisa uu ka madhiyo fikir oo dhan, oo uu naftiisa la kaliyoobo qaab looyaqaan khilaawo“ meditation”., Buddhsim waxay katimid tahay diimaha caalam ka aad usoo korayo xiliyadan dambe, dad ka buddhsim ku waxay aad ugu dadaalayan sidii ay diintooda uga dhigi lahayeen diinta ugu horeysay caalam ka, maddaama lagu jiro tar-tarn dhan ka horumarin ta diima ah, wadamadani waxay kamid yihiin wadama aad looga aaminsanyhay diinta Buddhism , hadaynu boqoley da ( percentage) ku eegno Australia waxa aaminsan 1.9%, Bhutan 75%, Brunei 13%, Burma 89%, Cambodia 95%.
Kuwani waa astaamaha diinta Buddhism ka lagu garto
Diinta buddhsim ku waxay bara bixisay meeshana ka saartay diintii la odhan jirey “ Shinto” oo laga aaminsanaan jirey wadan ka japan, isku cel-celis ahaan adduunka 6.8% ayaa aaminsan Buddhism ka.
Afartan qoddobo waa xeerar ka bar bilow ga u ah diinta buddhsim ka:-
1. Dhamaan dadka Buddhism ku waxay macalinkooda uyaqaanin Buddha oo ah nin kii diinta ukeenay.
2. Dad ka Buddhism ku xag jir ma aha ama si kale ma aha cadaw diintoodu ku qaloocantay.
3. Waxay ixtiraam gaar ah siiyaan wadaada xeerta katirsan taas oo u aaminsayihiin in arimahooda uhaagajinayo una iftiiminayaan barwaaqo.
4. Dhamman waxay kashooda kuhaystaan in dintoodu tahay mid gaadhsiinaysa halka ugu sareeysa ee nolosha.
3. Hinduism
Hinduism waxay kamid tahay diinta Aryan kuwa ugu caansan sida magaca kaaga muuqata waxa haysta dadka hindada, hindu waa kalmad beershiyaan ah taas oo utaagan “ dad kii daganaa gobolada ka dambeeya Indus valley “. Lama garanayo xiligay timid diintani inkastoo ay aaminsanyihiin in kabadan 1 billion oo qof, Hinduism ku waa dad aaminsan inka badan 330 ilaahyo (gods), waxkasta oo jira ilaahbey uyaqaanin sida qoraxda, dayaxa, ciida, timaha. I.W.M
Tantras, the sectarian Agamas, the Purus, the epics Mahabharata Ryman , iyo Bhagwat geeta dhammaan kitaabadaasi waa kuwo looga arimiyo diinta Hinduism ka.
4. Sikhism
Sikhism waxay kamid tahay kana tirsan santahay diinta Aryan-ka, sidoo kale waxay hoos timaada diinta Hinduism ka, macnaha guud ee Sikh waa “ raacayal “ followers.
Sikhism ku waa diin kamid ah diinta Hinduism ka waxaana keenay nin layidhaahdho Guru Nanak (1469-1539 AD), asal ahaan waxay katimid gobolada Punjab ka ee waqooyi-galbeedka hindiya, waa dad aaminsan mawqif ka ah ilaah badnida, aynu dul istaagno ilaahyadooda kuwooda ugu caansan Sat (ilaahii runta), Sat Guru (runta guru), Akal Purakh (ilaahi jiritaanka), Kartar (makhluuq), and Wahi-Guru (“amaanti guru”).
Adi Granth ama “ gurugranth sahib” waa kitaab ka looga arimiyo. Sikhism ka waxaana la bilaabey qoraalkiisa 1604 sanad guuradi 50aad ee guru, ilaahooda ugu sareeya waa “ ok emkar” buugga adi garanth boggiisa kowaad, aayada ugu horeysay waxay qoraysaa sida tan “ ilaahyo badan baa jira laakin hal ilaah baan aaminsanahay kaaso oo lagu magacaabo abuure, waa mid aan cabsoon, cidna aan necbayn, oo ma dhinte ah weligiis jiraya”
Waxa jira sumado lagu yaqaan dad ka haysta Sikhism ka sida :- waa dad leh gadh dheer iyo timo dhaadheer , waa dad xidha surwaalo jooga lawga ama jilibka. Waa dad naftooda difaaca.
5. Chrisrian
kiristan ku waxay kamid tahay diimaha aad ka usoo koraya tartan gaar ah kula jira diinta islaamka, madama diinta islaamku tahay diinta ugu baaxad weyna aaminsanyihiina in kabadan 2 billion qof.
Kiristan ku wa diin sementic ga katirsan, waxay timid 27 ciise dabadii , waa dad aaminsan ilaah kaliya ( monostheitic religion ), waxa raacsan in kabadan 2.1 billion, isku cel-celis ahaan 29.1% ayaa raacsan addunka . sidoo kalena waa dad aaminsan in nebi ciise jesus (pbuh) yahay inanki ilaahay. sidaa darted waxay uhaystaan in uu yahay ka danbiga u dhaafaya.
Weli ma isweydiisay macnaha kuduugan calaamada isku talaabta
ah ee kiristan ka (crisscross)? Macnaha kuduugani waa waxay aaminsanyihin in nebi ciise loo dilay qaabkaas isku talaabta ah, lixdani waa fikradaha ay ka aaminsanyihiin kiristan ku nebi ciise.
1. Nebi ciise ( jesus) wuxuu noo dhawaynaya ilaahey
2. Nebi ciise wuxuu ilaahey noo weydiinaya waxaan rabno
3. Nebi ciise wuxuu noo hagaajinayaa noloshayada
4. Nebi ciise waa mid danbi dhaaf noo sameynaya
5. Saddex casho kadib dilkii Nebi ciise wuxuu noqday mid dib usoo noolaaday
6. Kitaab ka bible ku waa mid aan la arag isagoo kale.
Diinta kiristan ka waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah Roman Catholicism, Eastern Orthodoxy, iyo Protestantism. Catholic gu waa diinta ugu balaadhan wakhti xaadirka waxa aaminsan 1 billion oo qof. Bible ku waa kitaab ka hagaha u ah raacayaasha diinta kiristan ka halka islaam ka uyahay kitaab ka quraan kareem.
Wadamadani waa kuwo aad looga aaminsanyahay diinta kiristan ka argentina 92% ayaa aamisan diinta roman catholic ee kiristan ka, Belgium 75% roman catholic,chile 98% roman catholic.
6. Judaism
Judaism waa diinta yuhuuda haystaan, buugga looga arimiyo yuhuuda waxa loo yaqaan deutoronomy, Hebrew waa luqada yuhuuda ku hadasho , waa kuwo aaminsan Nebi muuse (NNKH) halka kiristan ku ka aamisnanyahay nebi ciise, diinta Judaism ka waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah orthodox, conservative iyo liberal , 14 million ayaa aaminsan addunyada, isku cel-celis ahaan waxa raacsan 0.2% addunyada.
W/Q: – C/xakiin C/laahi Aaden dheere
Email: – abdi.177@hotmail.com
Mobile: – 0937603544
Addis-Ababa, Ethiopia
Tixraac ( reference)
1. (Clifford Geertz, Religion as a Cultural System, 1973)
2. (Talal Asad, The Construction of Religion as an Anthropological Category, 1982.)
4. http://www.parapsych.org/base/
5. http://iands.org/about-ndes/
6. Harvey, Graham (2000). Indigenous Religions: A Companion. (Ed: Graham Harvey). London and New York: Cassell. Page 06.
7. Vergote, Antoine, Religion, belief and unbelief: a psychological study, Leuven University Press, 1997, p. 89
8. http://www.
9. http://www.livius.org/saa-san/
10. Melton, J. Gordon (2003). Encyclopedia of American Religions (Seventh edition). Farmington Hills, Michigan: The Gale Group, Inc., p. 1112. ISBN 0-7876-6384-0
11. Melton, J. Gordon (2003). Encyclopedia of American Religions (Seventh edition). Farmington Hills, Michigan: The Gale Group, Inc., p. 1001. ISBN 0-7876-6384-0
12. Melton, J. Gordon (2003). Encyclopedia of American Religions (Seventh edition). Farmington Hills, Michigan: The Gale Group, Inc., p. 997. ISBN 0-7876-6384-0
13. Melton, J. Gordon (2003). Encyclopedia of American Religions (Seventh edition). Farmington Hills, Michigan: The Gale Group, Inc., p. 1004. ISBN 0-7876-6384-0
14. “Welcome to Jainworld – Jain Sects – tirthankaras, jina, sadhus, sadhvis, 24 tirthankaras, digambara sect, svetambar sect, Shraman Dharma, Nirgranth Dharma”. Jainworld.com. Retrieved 2012-04-24.
15. Smith, Christian; Joshua Prokopy (1999). Latin American Religion in Motion. New York: Routledge, pp. 279-280. ISBN 978-0-415-92106-0
16. Melton, J. Gordon (2003). Encyclopedia of American Religions (Seventh edition). Farmington Hills, Michigan: The Gale Group, Inc., p. 841. ISBN 0-7876-6384-0
17. Nation master website www.nationmater.com
