Uncategorized

Dowladda Kenya Oo Soomaaliya Ka Dalbatay Inay Joojiso Dacwada Ka Dhanka Ah Muranka Biyaha Badda.

Nairobi,8Oct,2015(QJ/SDN)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horraysay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay iska dhaafto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee muranka biyaha badda Soomaaliya, Kenya ayaa waxay soomaaliya ku eedaysay inay dhinaca xun ka eegtay arrinta oo isla markaanna waxba kasoo qaadin wixii Kenya u hurtay Soomaaliya.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay ku jireen muran muddo dheer socday oo dhinaca badda ku saabsan oo la xidhiidha deegaan badda ah oo ay ka buuxaan khayraad iskugu jira shidaal iyo gaas.

Kenya waxay sheegaysaa in waddanka ay deriska yihiin ee Soomaaliya dhinaca xun uu arrinta ka eegay hadda se loo baahanyahay inay dhinaca wanaagsan arrinta u wadaan.

Kenya ayaa sheegtay inay ciidankeeda u dirtay soomaaliya si ay gacan uga siiyaan dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan ururka alshabaab taasna loo baahanyahay inay dowladda soomaaliya ka fakarto.

Soomaaliya waa inay xasuusnaataa inay Kenya marti galisay Nus malyuun qaxoonti Soomaali ah ayay tidhi Kenya.

Dowladda Kenya waxa kale oo ay sheegtay inay soomaaliya jabisay heshiis is afgarad ah oo labada dal horay u wada gaadheen, kaas oo ahaa in labada dal ay arrimahooda wada dhammeystaan oo aanay maxkamad isla aadan.

Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalkaasi kasoo yeedhay dowladda Kenya.