Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto Ku dhaqan Geliyey Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2017

Hargaysa 05. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu  xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4469/012017, ku meel mariyey dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/710/2017 ee ku taariikhaysan 03/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.