“Author Archive”
Stories written by akguled

Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda oo aan Wax Talaabo ah ka qaadin Mas’uuliyiinta Kastamka Berbera

Hargaysa ( SDN) Gudi khaas ah oo loo xilsaaray ka soo Jawaabida Koonteenar Siday ( 113000-Kun Oo Mobile ) Oo Qaab Musuq Maasuq loogu cashuuray inuu sido 60 Kiish oo Sonkor ah ayaa Natiijadda baadhistoodii ku celiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda. Sida ay sheegayaan Xogo arrintan la xidhiidha Guddidan ayaa […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada oo Fashiliyey Koonteenar Qaab Musuq maasuq ah ay u Cashuureen Maamulka Kastamka Berbera

Hargaysa SDN):- Kastamka Cashuuraha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Magaalo Xeebeedka Berbera ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday dhacdo la yaab leh oo Maamulka Kastamka Berbera ay sifo khaldan oo baal marsan nidaamka Cashuuraha ku Cashuureen Koonteenar ay ka buuxeen Xadi aad u badan oo Mobilo ah Iyagoo Juwanka Cashuur shubista ugu jaray in […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

=Amar ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka oo Sababay in Xukuumadu weydo Dekhligii uga soo xeroonayay Kastamka Berbera==

Sadexdii dharaarood ee ugu danbeeyay wax dhaq dhaqaaq ahi kamuu socon Kastamka ugu weyn ee cashuuraha ee magaalo xeebeedka berbera isla markaana kamuu soo xeroon dekhligii maalinlaha ahaa ee dawladu ka heli jirtay. Arrintan ayaa ka dhalatay Sida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuun daloola hawlaha kastamka berbera kadib markii Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta […]

Posted in Features | Read More »

Shirkada SomCable & Sida ay Somaliland uga Suurto Gelisay inay Keento Internet-ka Xawaarihiisu Sareeyo ee Fiber Optic.

”La Jaanqaad Dunnida Casriga ah adigoo adeegsanaya Internet-ka Xawaaraha sareeya ee Fiber Optic” Somaliland oo ka mid ah dalalka dunnida sadexaad ee uu ku yar yahay adeegsiga Tiknoolajiyada casriga ah ayaa hada u muuqata mid horumar la taaban karo ka gaadhay isticimaalka Internet-ka. Shirkada SO! Ltd Powered by Somcable oo uu Leeyahay Ganacsadaha caanka ah […]

Posted in Features,wareysiyo | Read More »

Ciidamadda Booliska Somaliland oo Heegan Buuxa la Geliyey Iyo Hawl galo ay qaadeen 24-kii Saacadood ee u Danbeeyay DAAWO

Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saddexdii habeen ee la soo dhaafay xaafadaha Magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-gal xoogle oo ay ku ugaadhsanayeen dhallinyarro dadka ka booba Telefoonnada gacanta, kuwaasi isla markaana dadweynaha dhibaato ku haya. Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in hawlgalkaasi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Horseed U Tahay Farriimo Culus Oo Doorashada Wakiilada Ku Saabsan Oo Ay Beesha Caalamku Soo Gaadhsiinayso Somaliland

London 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka Ingiriiska Salaasadii ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wasiirradiisa Ka Joojiyey Gelista Kharashaadka Culus Ee Dawladda Iyo Tuhunno Ku Xeeran Halka Uu Ku Baxo Dhaqaaluhu

Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan oo Dollar) aanay  saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddiga Diiwaangelinta Oo Xisbiga KULMIYE Ka Dalbaday Inay Ka Jawaabaan Dacwad Laga Gudbiyay

Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan. Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay  Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawladda Sucuudiga Oo War Ka Soo Saartay Dhoofka Xoolaha Soomaalida,Isla Markaana Cadaysay in aanay Aqbali doonin Cadaadis Sucuudiga lagu Saarayo inuu Xayiraada ka qaado Xoolaha Soomaalida!!

Riyadh 31. January 2019 (SDN/QJ):- Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya & Arrimaha ay ka wada hadleen DAAWO/SAWIRO

Wajaale 22. December 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha  dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »