Muqdisho 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qoraalka waxaa aad looga hadlay dhanka Amniga iyo Doorashada, waxaana ay Musharaxiintu muujiyeen cabsida ay ka qabaan hanjabaad iyo dagaalo toos ah oo lagu qaadi karro goobaha musharaxiinta & halista taagan.
Qodobada ay soo saareen waxaa kamid ah.
1- In laga maarmaan ay tahay in la dhiso ciidamo isku dhisan iyo guddiyo si wadajir ah uga shaqeeya Amniga.
2- In la dhiso Habraaca Doorashada, Maaliyadda, lana sameeyo qorshe cad oo Musuqmaasuqa looga hortagayo.
3- In la ilaaliyo Midnimada & Xornimada Soomaaliya, lagana fogaado wax kasta oo sii kala fogeyn kara Shacabka Soomaaliyeed.
4 – Wax ka qabashada Xoojinta Laamaha Amniga ee waqtiga doorashada oo hadda gaaray meel xasaasi ah.
5- Waa in Xoojinta Arrimaha Caalamiga ah iyo Deris wanaaga ay noqdaan kuwa ku dhisan Hababka caalamiga ah, lagana fogaado talaabo kasta oo faragalin sameynaysa.
6- In waqtiga la qabtay ee doorashada Madaxweynaha, aan waxba talo ah laga weydiin Musharaxiinta Doorashooyinka ee qeybta ah arrimaha Doorashada.
7- In Saxaafadda Dawladdu maamusho & tan Madaxa banaan loo ogolaado arrimaha Doorashada tooska loo tabinayo & Dood wadaaagyada socda.
8-In codeynta laga fogaado qaabka kasta oo keeni kara wax isdaba marin, Musuqmaasuq iyo dhawrida xogta codeynta Mudanayaasha baarlamaanku bixinayaan.
9- In la sugo dhamaan Amniga Goobaha doorashada iyo Musharaxiinta Madaxweyne-nimada Soomaaliya, iyadoo aysan kala sareynin jirin.
