Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Ka Bilowday Dhegaysiga Dacwad Xaasaasiya

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Gudaha Jeelka Dhexe ee Hargeysa, ayaa waxa ka socota Dhegaysiga Dacwad xaasaasiya.

Dacwaddan oo ay qaadayso Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex isla-markaana ah tii ugu horeysay ee nooceed ah ee Xabsiga dhexdiisa lagu dhegaysanayo, ayaa la sheegay in lagu oogayo Rag loo haysto Argagixiso-nimo.

Sidaana waxa Wargeyska Himilo u sheegay Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, kuwaasi oo intaa ku daray in Dacwadda dhegaysigeedu bilaabmay lagu qaadayo Sagaal Nin oo dhammaantood ku eedaysan Argagixiso-nimo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sagaalka Nin ee Dacwaddooda Maxkamaddu dhegaysanayso loo haysto Abaabulka, Taakuleynta iyo Dhismaha Al-Shabaab.

Raggan oo muddo ku xidhan Jeelka dhexe ee Hargeysa, ayaa waxa Ciidammada Ammaanka ee Somaliland ka soo qab-qabteen Magaalooyinka Somaliland qaarkood, gaar ahaan Hargeysa iyo Boorama.

Maxkamadda ayaa Axaddii Doraad fadhigii labaad ee dhegaysiga Dacwaddan u fadhiisatay, waxaana loo ballamay fadhi Saddexaad, kaasi oo la filayo in Maxkamaddu Go’aan ku soo saarto.

Dacwaddan oo xaasaasiya awgeed, ilaa hadda ma jirto Cid si toos ah uga hadashay.